BALIGUBADLE MEDIA
Wasiirka Gaadiidka iyo Duulista Hawada Somaliya oo ka hadlay Ninka Ajnabiga ee lagu qabtay Garoonka Muqdisho.
January 22, 2019 - Written by admin

Wasiirka Gaadiidka iyo Duulista Hawada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Salaad (Oomar) ayaa ka hadlay Nin Ajnabi ah oo Sabtidii la soo dhaafay lagu qabtay garoonka diyaaradaha Muqdisho, xilli uu raaci rabay Diyaaradda Ethiopian Airlines.

wasiirka duulista somaliya

Ninka AJnabiga ayaa la qabtay iyadoo laga shakiyay waxyaabo ku jiray boorsadii uu diyaarada saaranayay, waxaana haatan gacanta ku hayay laamaha amaanka oo Su’aalo weydiinaya.

Wasiir Oomaar oo wareysi siiyay VOA-da ayaa meesha ka saaray wararka la xiriira in Ninka la qabtay uu watay walxo qarxa, sida ay sheegayeen wararka la helayay saacadihii danbe.

Waxa uu tilmaamay in Ninka oo la rumeysanyahay inuu u dhashay dalka Koofur Afrika lagu qabtay boorsadiisa goobta ugu horeysay ee lagu baaro boorsooyinka, ayna u dhimnaayeen dhowr baaritaan xitaa hadii uu gudbi lahaa goobtaas baarista ah.

Dadka ayuu ugu laab qaboojiyay in amniga garoonka Muqdihso uu yahay mid la isku haleyn karo oo wanaagsan, Isagoo amaanay Ciidamada amaanka ee u tababaran baarita waxyaabaha dhalin kara in khalkhal amni dhoco.

Isha Ku Hay Baligubadlemedia

COMMENTS