BALIGUBADLE MEDIA
Wasiirka Biyaha oo Digniin Culus U Diray Dawlad Goboleedka Somaliyeed ee Puntland
January 29, 2019 - Written by editor

Wasiirka wasaaradda biyaha somaliland Saleebaan Cali Koore ayaa maamul goboleedka somaliyeed ee puntland uga digay in ay wax faro-galin ah ku soo sameeyaan gobolada bariga somaliland oo ku tilmaamay in ay markasta iska sheegtaan.

Wasiir koore ayaa sheegay in ciidanka qaranku habeen iyo maalinba heegan ugu jiraan sidii ay u sugu lahaayeen xududooda dhuleed waxaana uu uga digay maamulka puntland in ay markale sababaan in gacmaha layskula tago.

koore

“Qaranka somaliland Xuduud ayuu leeyahay ciidana wuu leeyahay cid anagu uma dabo fadhiisanayno manajirto rag qaar hadaladda ka soo baxayaana waxba ugaga tanaasuli mayno,deegaanadda laysku hayaana waa deegaanadda aad ka soo jeedo cid wax u

tartayna majirto waana la sheegtaa anaguna hawla aanu ka qabanayna waa la arkayaa puntland waxaanu leenahay waar sheegasho macno samayn maysee deegaanadiina hagaajista anaguna deegaanka aanu leenahay waanu hagaajisan.Sidaas ayaa uu yidhi isaga oo la hadlay saab tv

Intaas waxa uu ku daray wasiirka wasaaradda biyaha somaliland saleebaan Cali koore isaga oo hadalkiisa siiwata.”waxaan idin leeyahay aynu noqon walaalo lakiin intaas wixii ka badan waad garanaysaan inaan waxba lagu kala qaadi Karin,waxaana leeyahay waar ummadu nabad ayay u baahan tahay.

Xukuumadda Somaliland ayaa intii ay gacanta ku haysay deegaanka tukaraq waxa ay ka hirgalisay koob waxbarasho,dhakhtaro iyo saldhigyo boolis oo dadka deegaankaasi ku dhaqan ay aad u soo dhaweyeen madaama oo aanay aragba waligood mashaariic looga hirgaliyo deegaankooda,waxaana ay xukuumadu u samaysay balan qaadyo kale oo laga fulinayo deegaanka.

Isha Ku Hay Baligubadlemedia

COMMENTS