BALIGUBADLE MEDIA
Wasiirka Arrimaha Dibadda Somaliland oo Beeniyay Warar Hore Uga Soo Baxay Masuuliyiin Xukuumadda Somaliland Ka Tirsan
January 12, 2019 - Written by admin

wasiirka arrimaha dibadda somaliland yaasiin xaaji maxamuud xiir faratoon ayaa beeniyay warar hore uga soo baxay wasiirka warfaafinta somaliland cabdiraxmaan guri barwaaqo iyo wakiilka somaliland ee adis-ababa

faratoon

wasiirka warfaafinta somaliland ayaa isgau maalintii khamiistii ee todobaadkii hore xaqiijiyay in ingiriisku somaliland u soo magacaabay wakiil gaar ah halka wakiilka somaliland ee ethiopia Axmed Xasan Cigaal, uu isna u xaqiijiyey Wakaallada Wararka ee Turkiga inuu xoghayihii difaaca ee ingiriisku madaxwaynaha somaliland kala hadlay sidii saldhig milatari looga siin lahaa somaliland sida ay maalintii shalay ee jimcaha baahisay wakaaladda wararka Solna

dhanka kale Wasiirka arrimaha dibadda Somaliland Yaasiin Xaaji Maxamuud Faratoon, oo Geeska Afrika waraysi siiyay ayaa beeniyay inay dawladda Ingiriisku Somaliland weydiisatay saldhig milatari. Wasiir Faratoon oo ugu horayn ka jawaabaya waxa ka jira wararka sheegaya in Ingiriisku doonayo inuu saldhig milatari ka samaysto Somaliland, ayaa  yidhi  “Saldhig Milatari oo uu Ingiriisku inaga doonayo si uu dalkeena uga samayso ma jirto, ma garanayo wararkaasi halkay ka yimaadeen.”

Wasiir Fartoon oo la waydiiyay in ingiriisku Somaliland usoo magacaabay safiir ayaa yidhi “Wax Safiira oo la  inoo soo magacaabay oo aanu ognahay ma jiro,  gabadhii inala shaqeeynaysay, ayaa la bedelay, oo qof kale ayaa lagu soo bedelay,

awalna si fiican buu Ingiriisku inoola shaqeeynayey, waxaana ku rajo weynahay inuu xidhiidhkeena iyo wada shaqaynteenu inay sii socoto, oo ay intaas ka sii balaadhato”.

si kastaba ha ahaatee hadaladda is burinaya ee ka soo yeedhay masuuliyiinta xukuumadda somaliland ayaa muujinaya iska war hayn la’aanta masuuliyinta xukuumadda iyo sida aanay iskula haysan siyaasadoodu taas oo badka soo dhigaysa nidaam xumadda xukuumadda madaxwayne biixi

Isha Ku Hay Baligubadlemedia

COMMENTS