War Degdega: Duqii Caasimadda oo Safar Qarsoodiya Kaga Baxay Dalka.
January 23, 2019 - Written by admin
Hargeysa (BGM) duqii caasimadda hargeysa Cabdiraxmaan Maxamuud Caydiid ayaa Maanta safar degdega kaga baxay dalka isagoo ka dhoofay madaarka caalamiga ah ee Cigaal International Airport

lama garanayo sababta keentay in duqa caasimadu safar qarsoodiya dalka kaga baxo iyadoo wali hanti dhawraha qaranku ku jiro xaruntii dawladda hoose ee hargeysa.
balse wararka qaar ayaa sheegaya in maayarku sidaa kaga baxay dalka islamarkaana aanu dib ugu soo laaban doonin oo uu iscasilaadiisa ku shaacin doono qurbaha.
isku soo wada duuboo golayaasha deegaanka ayaa la filayaa inuu madaxwaynaha somaliland kala diro
Isha Ku Hay Baligubadlemedia
Like this:
Like Loading...
COMMENTS