Wakiilka Somaliland u Fadhiya Kenya oo Dhaleeceeyay Weerarkii Lagu Qaaday Hotel Dusit
January 17, 2019 - Written by admin
Wakiilka Somaliland u fadhiya Kenya, Baashe Cawil Xaaji Cumar, ayaa cambaareeyey weerarkii argagixiso ee shalay ka dhacay Huteel ku yaalla Magaalada Nairobi, oo ay ku dhinteen 14 qof, halka intaas ka badanina ay ku dhaawacmeen.

Siduu maanta daabacay Wargeyska The Star ee ka soo baxa Magaalada Nairobi, Danjire Baashe Cawil Cumar, ayaa sheegay in Somaliland barbar taagan tahay dawladda Kenya.
Wakiilka Somaliland wuxuu intaas ku daray inuu sida ugu adag u cambaareynayo weerarkaas oo uu ku sifeeyey mid fulaynimo oo argixisadu ku qaaday Huteelka Dusit ee magaalada Nairobi.
Isha Ku Hay Baligubadlemedia
Like this:
Like Loading...
COMMENTS