BALIGUBADLE MEDIA
Wada-hadaladii Axsaabta Iyo Xukuumadda oo Markale Dhcisoobay Iyo Qodobadda La Isku Mari La’yahay
January 2, 2019 - Written by admin

Kulan ay saaka markale yeesheen xisbiyada mucaaridka Somaliland iyo Xukuumada, ayaa lagu kala kacay iyadoo aanay wax natiijo ahi ka soo bixin.

Kulanka ayaa waxa kala Hogaaminayay Madaxweyne ku xigeenka Somaliland Cabdiraxmaan Ismaaciil Saylici, Gudoomiyaha xisbiga Waddani Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi (Cirro) iyo Gudoomiyaha Xisbiga UCID Eng: Faysal Cali Waraabe.

xisbiyadda dalka

Sidoo kale Xisbiga Waddani oo ugu horeyn warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in kulankaasi aanay wax natiijo ahi ka soo bixin, islamarkaana xisbiga Kulmiye aanu la imanin wax tanaasul ah, oo uu miiska soo saaray in kominshanka laba xubnood lagu daro marka doorashadan soo socota la qabto, taas oo Waddani sheegay in aanu marnaba aqbali doonin.
Dhinaca kale Guddoomiyaha xisbiga Ucid oo isna warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in xisbigoodu uu doonaayo in doorasho dhacdo 2019-ka, waxaana uu eedeymo u jeediyey xisiga Waddani oo uu ku sifeeyay mid aan danta Somaliland waddin.

Isha Ku Hay Baligubadlemedia

COMMENTS