BALIGUBADLE MEDIA
Sheekh Shariif oo Soo Bandhigay Hunguri Markale Kaga Jira Inuu Somaliya Madaxwayne Ka Noqdo
January 24, 2019 - Written by admin

Madaxweynihii hore ee soomaaliya  Sheekh Shariif Sheekh Axmed ayaa si rasmi ah ugu dhawaaqay inuu u tartamayo madaxtinimada soomaaliya marka la gaadho doorashooyinka 2020.
2016922636101244742470925Sheekh_Shariif_Muqdisho (2)

Sheekh Shariif Sheekh Axmed ayaa sheegay inuu xilkan u doonayo sidii uu shacabka soomaaliya uga badbaadin lahaa kooxaha amni darada ku haya isla markaana ay shacabku garanayaan waxqabadkiisa.

Sheekh Shariif Sheekh Axmed oo ka hadlaya sababta ku kaliftay inuu mar kale isa soo sharaxo ayaa waxa uu sheegay in codsi uga yimid bulshada soomaaliya waxaanu yidhi “codsi badan ayaa iiga yimid bulshada, awood la,aanta dawlada hada jirtaana waxay igu dhalisay inaan mar kale isa soo sharaxo.

Waxaa uu hadalkiisa intaasi kusii daray Musharax Shariif in dowladda hada jirtaa aysan waxba u qaban dalka.

“Waxaan cadeynayaa in aan calanka u qaadi doono xisbiga Himilo Qaran doorashada 2020,Waxaan dareensanahay in dowlada hadda ka jirta dalka aysan waxba u qaban dadka waxaana doonayaa in aan mideeyo Soomaaliya oo aan ka dhigo mid awood leh.”ayuu yiri Sheekh Shariif.

Inkastoo dowladda hadda jirta ee uu madaxweynaha ka yahay Maxamed Cabdullaahi Farmaajo u harsan tahay wax ka badan Labo sanadood ayaa hadda dhinaca kale waxaad moodaa in uu dalku gallay olole doorasho marka la eego isbaheysiyada sameysmaya iyo hadallada ay warbaahinta isku marinayaan hoggaamiyayaasha dalka.

Isha Ku Hay Baligubadlemedia

COMMENTS