Rabitaanka Muuse Biixi Iyo Rajada Shacabka Kee Rumoobi
January 17, 2019 - Written by admin
Madaxweyne muuse waraaq ayuu u gudbiyay dhawaan golaha guurtida oo u jeedadeedu ahayd ina golaha shacabka mudo kordhin loo sameeyo wuxuuna ka reeba mudo kordhintii golayaasha degaanka garasho daro umuu kala reebine wuxuu u kala reebay tiisa gaarka ah
Labadii doorasho ee isa saarnaa inuu kala qaado waxa ku qasbay rabitaankiisa oo ah inuu fushado talada u gaarka ah taasoo ah in xukunkiisu dheeraado hadii ay
dhacdo oo baarlamanka oo kaliya loo kordhiyo oo aan loo kordhin golayaasha degaanka marka ay gaadho xiligii la qaban lahaa doorashada degaanka oo aanay suurta gal ahayn in la qabto waxa la gudboonaan doonta inuu kala diro golayaasha degaanka
Dhahar waa ninkiisii
Garashadu dhibkiisiyo
Dhaawiciisa weeyaan
Isagiyo dhanqalantada
Dhacartaa u kala rogan
Hadii uu kala diro waxaynu dib u guuraynaa 15 sano ama waxaynu ku noqonaynaa 2002 waxaanuu awood u yeelan doonaa inuu soo magacaabo maayirada gobolada dalka oo ay la mid noqdaan wasiirada magac u yaalka ah ee uu iminkaba isagu magacaabo !
Hadii taasi dhaco oo uu ku guulaysto talabada xita ee uu qaadi doonaa waa inaanu wax doorasho goladegaan ahi dhicin inta xilka uga hadhay oo uu isagu yeesho dhismaha dawlada dhexe iyo ta dawladaa hoosaba
Sidaana wuxuu kula wareegayaa wajibaadkii shacabka iyo codkii xalaasha ahaa dalkuna wuxuu isu badali doonaa xukun qof kaliya aha ama digtaatar
Sansaanka muuqdaa uma eeka kii shacabku filaayay mana aha kii loo doortay madaxweyne Muuse Biixi Abdi tanaasul la’aanta xisbiyada mucaaradka ahina maaha macangagnimo iyo garasha daro midnee wuxuu ka midha dhalinayaa rabitaankiisa iyo xukun dheeraysigiis !
Dhilawyahankii geedkii
Lagu beeray dhiigiyoo
Dheecaanka wadhatada
Dhexda tolow iskaga maray
Dhirta tollow maw abtiriyaa
Sida dhalashadewdiyoo
Dhaqankeedu kala yahay
Mise wuxuu ka dhiganyahay
Habartii kar dhooftee
Dooni la dhacantee
Bada dheeligeedii
Dhaxantiyo dabaylaha
Dhawawalan ka qaadee
Kadib dhawr ayaamood
Yadooy dhaqaaliyoo
Nafba kala dhaqaaqeen
Salka dhigatay ciidee
Dhuloow kama kaco tidhi !!!
[email protected]
Like this:
Like Loading...
COMMENTS