BALIGUBADLE MEDIA
Puntland oo Ku Celisay Inaanay Xilliga Doorashadda Iman Karin Deeganadda Maamulkaas Masuuliyiinta Dawladda Federaalku
January 4, 2019 - Written by admin

Puntland ayaa ku celisay inaysan deegaannada imaan karin mas’uuliyiinta dowladda federaalka xilliga ay socoto doorashada kaddib markii Isimadda iyo musharrixiinta ay ka soo horjeesteen go’aankii lagu mamnuucay mas’uuliyiinta dowladda Federaalka.

War saxaafadeed ay baahisay madaxtooyada Puntland ayaa lagu xaqiijiyay inuu sidiisi yahay amarkii mamnuucayay mas’uuliyiinta dowladda federaalka.

news1

“Iyadoo la ilaalinayo xasiloonida iyo dowladnimada, waxay Puntland cadaynaysaa in amarkii wasaaradda amniga uu sidiisii yahay, waxna aan laga beddeli doonin”. ayaa lagu yiri warsaxaafadeedka.

Musharrixiinta u tartamaya xilka madaxweynaha iyo madaxweyne ku-xigeenka iyo Isimadda Puntland oo khamiistii shalay ku shiray Garoowe ayaa ka soo horjeestay go’aamada wasaaradda amniga Puntland.

Isha Ku Hay Baligubadlemedia

COMMENTS