BALIGUBADLE MEDIA
Maxkamadda G/Maroodi-jeex oo Xayirtay Huteelka Beerta Libaaxyada ee Hargeysa
January 4, 2019 - Written by editor

Maxkamadda gobolka Maroodi-jeex ee magaalada Hargeysa, ayaa xayiraad ku soo rogtay Huteelka Beerta Libaaxyada oo ku yaalla Hargeysa, kaas oo ay Maxkamaddu amartay inuu furnaan karo ama shaqayn karo lixda subaxnimo illaa lixda maqribnimo inta u dhaxaysa ama maalintii oo keli ah, marka uu habeenku soo galana ku amran yahay in la rawixiyo, ka dib markii dhaqan-xumo lagaga soo cawday.

xayiraad

Maxkamaddu waxay sheegtay inay u hoggaansantay ama ayidday dacwad Ciidanka Booliska u soo gudbiyey oo uu ku sheegay in Bulshadu ka soo cabatay huteelkaas, oo ay ku eedeeyeen Muusik iyo heeso cod dhaadheer iyo in lagu isticmaalo balwado kala duwan xlliyada dambe ee habeenkii iyo sidoo kale in Dumar aan asturnayni galaan huteelkaas, sida qoraalka xayiraadda ah ee Maxkamadda ku cad.

Isha Ku Hay Baligubadlemedia

COMMENTS