Madaxwayne Biixi oo Todobaadkan Kulan Jilbaha La Isku Laabto U Fidiyay Madax-dhaqameedka Beelaha Gerxajis
January 5, 2019 - Written by admin
Madaxwaynaha somaliland ayaa todobaadkan la qorsheeyay inuu kulan balaadhan la qaato madax-dhaqameedka beelaha gerxajis kuwaas oo uu kala hadalyo qodobo door ah oo ay kamidyihiin sidii ay beeshu xukuumadiisa ula shaqayn lahayd
madaxwaynaha ayaa casuumaya ergo gaadhaysa ilaa 200 oo ergo oo kamida haldoorka beeshaas kuwaas oo uu kala xaajoon doono sidii loo soo afjari lahaa khilaafka isaga iyo beeshaas ka dhexeeya ee wakhtiga badan soo jiray.

dadka shirkan lagu casuumay ayaa qaar kamid ahi ka cudur daarteen inkastoo madaxdhaqameedka kale oo isla beeshaas kasoo jeedana ogolaadeen casuumadaas
si kastaba ha ahaatee madaxwayne biixi ayaan muddo sanad iyo dheeraad ah oo uu taladda dalka hayo aan wali xal u helin khilaafka baahsan ee u dhexeeya isaga iyo beelaha gerxajis kaas oo labaatan sanno jirsaday
dhanka kale qaar kamida madax-dhaqameedka beeshan ayaa ku gacan saydhay kulankan iyagoo madaxwaynahana ugu baaqay inuu faraha kala baxo kala qaybinta uu ka dhex wado beeshaas
Isha Ku Hay Baligubadlemedia
Like this:
Like Loading...
COMMENTS