Madaxwayne Biixi oo Sanad Gudihii Ku Badhi Furay Balan uu Hore Ula Galay Wasiiradda Xukuumadiisa
January 9, 2019 - Written by admin
Madaxwaynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi ayaa muddo Gaaban oo sanad Gudihii ah wuxuu ku badhi furay balan uu hore ula galay wasiiradda xukuumadiisa oo ku aadanaa la kulanka madaxda dhaqanka ee beelaha ama shirarka beelaysan waxaanay wakhtigaas oo ahaa markii uu madaxwaynuhu soo magacaabay wasiiradiisa oo ahaa sannad kahor wasiiradda hortooda ay ka wada galeen inaanay xukuumad ahaan ka qayb gali karin shirarka beelaha islamarkaana aanay kasoo muuqan karin balse madaxwayne biixi oo maalintii daraad kulan balaadhan la qaatay beesha u abtiga ah ee gerxajis ayaa u muuqda inuu badhi furay balankaas isagoo kulan balaadhan la qaatay madaxdhaqameed iyo dhalinyaro kasoo jeeda beelaha gerxajis kuwaas oo ay kawada hadleen qodobo door ah.

madaxwaynaha somaliland ayaa isku furay waddo halaqeed uu hore iskaga ilaalin jiray waxaanu hadda ku khasbanyahay inuu la kulmo beelkasta oo kulan ka dalbata taas oo aanu diidi karin hadii uu diidana cadaawad adag dhex dhigaysa isaga iyo beelaha uu diido la kulankooda
isku soo wada duuboo madaxwayne biixi ayaa u muuqda mid aanay siyaasadiisu fadhiyin islamarkaana aan la saadaalin karin halka ay siyaasadiisu wajahayso maadaama oo uu marba waji cusub lasoo baxayo
Isha Ku Hay Baligubadlemedia
Like this:
Like Loading...
COMMENTS