BALIGUBADLE MEDIA
Madaxwayne Biixi oo Kulan uu La Qaatay Beelaha Gerxajis Hortooda Kaga Cafiyay Sarkaal Xukun Ku Dhacay oo Ka Tirsan Booliska
January 7, 2019 - Written by admin

Madaxweynaha Somaliland Md Muuse Biixi Cabdi ayaa cafis madaxweyne ku sii daayey sarkaal ka tirsan ciidamada booliska somaliland oo maxkamada ciidamadu hore u xukuntay.

madaxwyane muuse 8

Madaxweyne Muuse Biixi oo maanta kulan hadhimo sharafeed ah la qaatay qaar ka mid ah madax dhaqameedka beelaha Garxajis oo uu uga mahad celinayey sidii ay ugu soo dhaweeyeen gobolada bariga somaliland wakhtigii uu safarka ku marayey ayaa ku war geliyey inuu cafis u fidiyey Gaashaanle Axmed Cadib oo ka tirsanaa ciidamada booliska somaliland..

Suldaan Cali Yuusuf Cabdi(Cada Cas) oo ka mid ahaa madax dhaqameedka ka qayb galay kulanka hadhimo sharafeedka ayaa sheegay in madaxweynuhu ku war geliyey inuu cafis u fidiyey sarkaalkaas oo ka tirsanaa ciidamada booliska somaliland, kaas oo maxkamada ciidanku ku xukuntay xadhig gaadhaya 10.

Suldaan Bada Cas ayaa sidoo kale sheegay in sarkaalkan la xidhay ka dib markii lagu xidhiidhiyey inuu lug ku lahaa  shaqaaqooyinkii beelaha ee ka dhacay gobolka Sanaag.

 

Isha Ku Hay Baligubadlemedia

COMMENTS