Madaxwaynaha Somaliland oo Magacaabay Masuuliyiin Cusub
January 17, 2019 - Written by admin
Madaxweynaha somaliland muuse Biixi Cabdi ayaa garsoorayaal iyo xeer ilaaliyayaal cusub u magacaabay maxkamada ciidamada somaliland.

Madaxtooyada somaliland ayaanu ka soo bixin warsaxaafeedka lagu shaaciyey magacaabista cusub, balse warar ay Heshay Warbaahintu ayaa xaqiijiyey in madaxweyne Muuse Biixi uu magacaabay xubnahan cusub.
Madaxweyne Muuse Biixi ayaa inta badan xilalkii ka qaaday garsoorayaashii iyo xeer ilaaliyayaashii ka hawl galayey maxkamada ciidamada, iyada uu haatan u magacaabay gudoomiyaha maxkamada ciidamada gaashaanle Maxamed Cabdillaahi Aadan (Aar).
Sidoo kale madaxweyne Muuse Biixi ayaa xeer ilaaliyaha guud ee maxkamada ciidamada u magacaabay Gaashaanle dhexe Yaasiin Maxamed Cabdi.
L/Xidigle, Xasan Abiib Cumar, garsoore ka tiraan maxkamada Ciidamada ee derejada koowaad.
L/Xidigle, Jimcaale Jaamac Muxumed, garsoore ka tirsan Maxkamada Ciidamada ee derejada koowaad.
L/Xidigle, Xasan Cige Jaamac, garsoore ka tirsan maxkamada Ciidamada ee derejada koowaad.
Gaashaanle Axmed Saalax Cabdi, Ku-Xigeenka Xeer-Ilaaliyaha Guud Ee Maxkamada Ciidamada Somaliland
Gaashaanle Siciid Cali Cilmi, Xeer ilaaliye maxkamadda ciidamada Somaliland
Xiddigle, Cabdillaahi Maxamed Axmed, Xeer ilaaliye Maxkamadda ciidamada Somaliland
Isha Ku Hay Baligubadlemedia
Like this:
Like Loading...
COMMENTS