BALIGUBADLE MEDIA
Madaxda Dawlad Goboleedyadda Somaliya oo Ku Sii Qul-qulaya Magaaladda Garoowe
January 25, 2019 - Written by admin

Hoggaamiyayaasha Dawlad-gobolleedyada Soomaaliya ayaa gaadhay magaalada Garoowe ee xarunta Puntland, halkaas oo ay ka socoto qaban qaabadda xaflad lagu caleemo-saarayo madaxweynaha Puntland iyo ku-xigeenkiisa.

u daba

Madaxweynayaasha Jubbaland, Koonfurgalbeed iyo Hirshabeelle ayaa dhammaantood gaaray Garoowe,iyagoo kala hoggaaminaya wafdi isugu jira wasiirro iyo xildhibaanno.

Waxaa si gaar gaar ah ugu soo dhaweeyay garoonka diyaaradaha Garoowe, madaxweynaha Puntland, kuxigeenkiisa iyo mas’uuliyiin kale oo ka tirsan Puntland.

Hoggaamiyayaasha ayaa Garoowe uga qaybgalaya xafladda caleemo-saarka, oo sidoo kale la filayo inuu ka qaybgallo madaxweynaha dowladda federaalka ah ee Soomaaliya, Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.

Wasiirro ka tirsan dowladda federaalka ayaa horay ugu sugnaa magaalada Garoowe,iyagoo hor-dhac u ah wafdiga madaxweynaha dowladda federaalka.

Xafladda caleemo-saarka ayaa la qorsheeyay Sabtida berri ah oo ku beegan 26 bishan Jannaayo in la qabto, sida laga soo xigtay guddiga qaban qaabada.

Docda kale, waxaa la xoojiyay ammaanka magaalada xarunta ah ee Garoowe oo ay howlgallo amniga lagu sugayo ay ka wadaan ciidanka amniga Puntland iyo ciidammo gaar ah oo loogu talagalay sugidda amniga maalmaha ay socoto munaasabadda caleemo-saarka.

Isha Ku Hay Baligubadlemedia

COMMENTS