BALIGUBADLE MEDIA
HALHANKA SAAMIQAYBSIGU MA U JEEDO QARSOON BAA?
January 13, 2019 - Written by admin

Dowladnimadu waa nidaam  marka sidiisa loo raaco lagu gaadho guula badan oo wax ku ool ah, islamarkaana lagaga gudbo caqabadaha adag ee kula soo darsa intaad nolosha goobaso.
Haddii ‘se wadada laga leexiyo oo si qaldan loo adeegsado  waa lagu hungoobaa, lagumana gaadho u jeedooyinkii loo aas aastay ee ahaa in ay dowladnimadu  dadkeeda u adeegto.
Taariikhda waa kayd iyo dhaxal  ay ka buuxaan khibrado  iyo waayo aragnimo  laga soo dhiteeyay socdaalkii dheeraa ee  ay  noloshu aadamuhu  soo martay,  (history  is a laboratory of human experience) sidoo kale waa  darsi  iyo diiwaan ay ku xardhanyihiin dhacdooyin badan oo  dunidu xusuus ku reebay, ku waa soo cibaaro iyo wax ku qaadashoba  u noqon kara cidkasta  oo dib u fiirinaysa  marxaladihii  kala duwanaa ee ay umaduhu soo mareen.
Marka taariikhda dib loo raadguro waxa lagu ogaadaa   talaabooyinkii ay dunidu soo qaaday kuwii lagu guulaystay iyo kuwii   lagu guuldaraystay,  ku waa soo  halbeeg u  noqon kara  qorshaha mustaqbalka  aad  ku soconayso.
Haddii’se  aanay waxba kaaga duxaynin  aqoontii iyo waayo aragnimadii  laga soo dhaxlay duruufihii  iyo waayihii kala duwanaa ee ay nolosha aadamuhu soo martay, waxaad ogaataa in aad tahay qalfoof  madhan oo aan  gudan karin waajibaadkii saarnaa.
Somalidu kuma cibro qaadato shalay wixii soomaray,  ee halkii ay hore ugu hungowday ayay hadana  geediga  u rartaa.
Somalidu waa bulsho ay qabyaaladdu ku xididaysatay, taa soo ay kala yimaadeen noloshii reer guuraaga  ee ay mudada dheer ku soo taxnaayeen, waxaanay qabyaaladdu  ka indho saabtay  jidkii ay u marilahaayeen nolosha ay ku riyoonayaan.
Somalilandna way la qabtaa walaahowga qabyaaladda inta kala ee afka Soomaaliga ku hadasha, waana mushkilada ugu weyn ee ay Somaliland ka dhaqaaqi-wayday  27 sanadood ah  ee ay jirtay.
Hadaba marka aan  u soo noqdo u jeedada uu maqaalkagani xambaarsan yahay oo ah  mid   aan doonayo in aan si  kooban ugu iftiiminayo halganka saami-qaybsiga ee bulshadeena sida ba’an u saameeyay, kaa soo ay Somaliland ka dhaxashay caqabado badan oo lugta jiidaya habsami u socodka howlaha shaqo ee qarankeena  iyo sidii   ay  shacabka  Somaliland u noqon la haayeen kuwo  isku duuban oo noloshooda si wadajir ah u maareeya.
Waxa kale oo ay arrintani  dhirbaaxo ku  tahay nidaamka doorashooyinka madaxa banaan   ee Somaliland  ka hanaqaaday, kaa soo culays weyni uu ka  haysto dhaqdhaqaaqyada  saami-doonka ee bulshadeena sida dabaylaha u ruxaya.
Waxaynu ogsoonahay in doorashada baarlamaanka Somaliland ay ka dhaqaaqi wayday  halganka saamidoonka ee  ay dabayshiisu  ka dhacayso gobolada Somaliland oo dhan,  waxa kale oo uu halganka saami-qaybsigu uu  naafeeyay nidaamka xisbiyada badan ee  ay Somaliland weelka u culanayso, kaa soo ay u jeedadiisu  ahayd in aynu kaga guurno habkii  beelaysiga ahaa  ee aynu mudada ku soo dhaqmaynay, waxa kale oo uu qorshuhu ahaa  in  xisbiyada  lagu   kala doorto aragtida iyo afkaarta ay bulshadooda u soo bandhigaan.
Waxay’se u muuqataa in  xisbiyada laftoodu  noqdeen kuwa dib u nooleeyay xanuunka  qabyaalada ee ay bulshadeenu horeba ula dhutinaysay.
Si kastaba ha ahaatee waxay xaqiiqdu tahay in ay Somaliland ka  dhaxashay halgan  saami-qaybsiga  dhowr arrimood oo lagu hungoobay

1)Arrinta ugu horaysaa   waa sida uu  halganka saami-qaybsigu  bulshadeena uga leexiyay  jahadii saxta ahayd ee ay u socon la hayd, taasi oo ay  markhaatifur u tahay  aragtida saboolka ah ee ay warbaahinta  la soo taagan yihiin  habeen iyo maalinba  kuwii ay bulshadu talo ka sugaysay.
Waxa kale oo ay taasi  muujinaysaa  in aynaan wali dhinacna ugu gurguuran gudkii aabo-yaasheen iyo awow-yadeen lagu qaniinay ee dhiig-baxa iyo dhiilada lahaa.
Sida la dawa ogsoon yahay  shirarka ugu badan ee Somaliland gudaheeda  ka dhacaa waxay la xidhiidhaan  arrinta   saami-qaybsiga ee ay beeluhu ku dal-badaan sad ka badan inta ay haystaan

Shirarkaa ay dabada ka riixaan kooxaha ku shaqaysta  mashruuca saamidoonku maaha kuwo lagaga hadlo xaaladaha dhabta ah ee  haysta  bulshada ay afkooda ku hadlaan,  sida hooyada adeeg-la’aanta caafimaad ugu dhimanaysa meelaha ay   adeegyada  caafimaadku  ku yar yihiin, sida caruurta nafaqo-darada la ildaran ee ku nool deegaamada  ay ka yimaadeen, sida ubadka  ay waalidkii dhalay u awoodi waayeen in ay wax barashada ka bixiyaan ee guryaha  u  dhex yuurura, sida qoysaska  haraadku ugu dhimanaya deegaamada aan haysan biyo ku filan oo ay cabaan, sida  da’yarta shaqo la’aantu hayso ee  badaha iskugu guraya markii ay ka rajo dhigeen  sida ay wax u socdaan, sidoo kalena  ay u muuqan wayday  fursado shaqo oo ay ka heli-karaan wadankooda  hooyo, taa soo ay ugu wacan tahay  han yaraanta iyo himilo xumaanta ku habsatay  kuwii bulshadooda  hormuudka u noqon lahaa.
Waa’se nasiibdaro innahaysata in dadkeenii  aqoonta lahaa ama  wax garadnimo u nisbo sheegan jiray,  ay maalin walba la soo taagnaadaan saami baa reer hebel ka maqan, iyaga oo aan  xaalaynaynin  baahiyaha nololeed  ee  ku gadaaman bulshada ay magacooda ku hadlaan.
Waa sax in cidkasta oo xil ummaddeed haysaa ay u cadaal samayso dadka ay masuuliyada u hayso, waana gaboodfal weyn in dadka loogu kale eexdo mansab iyo manfac ay u simanyhiin.
Waxay’se  xaqiiqdu tahay in halganka  saami-qaybsigu uu  inala marayo  jid qodax badan, oo haddii aynaan caqli kan dhaama la imanin  ay hubaal tahay in aynu ka shalaayi-doono.
Sida aynu wada ogsoon nahay  Bulshadeenu  waa sabool  la xarbiyaysa   nolol maalkeed ay ku maareyn la haayeen  baahiyaha ku xeeran qoysaska ay ka yimaadeen,  islamarkaana aan haysan   adeegyo bulsho oo  kafayn kara baahida nololeed ee ay la hal-gamayaan, iyada oo ay sidaasi tahay hadana qaylada yeedhaysaa kama turjumayso baahida dhabta ah ee ay shacabkani la tiiraanyoonayaan,  waxay’se salka ku haysaa dano shaqsiyeed oo ay  kooxo ka gaar ahi  u xusul-duubayaan.
2) Arrinta  labaad ee  iyana  uurkutaalada lihi waa sida ay u wiiqayso amniga iyo wadajirka bulshadeena, taa soo  sabab u ah in marwalba laga fikira uun ilaalinta amniga oo qudha, iyada oo ay  inagana dayacmaan howlihii kale ee tiir-dhexaadka u ahaa horumar ay bulshadeenu tabayso.
3) Arrinta seddexaadna  waa sida masaakiinta magacooda la adeegsadaa, uga qatanyiin midhaha ka soo go’a  halganka saamiqaybsiga, iyada oo  laga yaabo  in masaakiintan gaboodka laga dhigtay ay arrintaa darteet   ku waayeen   dad badan  oo ay jeclaayeen, islamarkaana kuwii qaska iyo qalalaasaha u horseeday ay  albaabada ka soo xidhaan marka ay gaadhaan u jeedooyinkii ay ka la haayeen.
Si kastaba ahaatee waxa mashruucan saamidoonka horjooge ka ah  kooxo badan  oo  bulshada qaybaheeda kala duwan ka kooban, waxa’se  ugu firfircoon  laba kooxood oo ku kala abtirsada siyaasada iyo dhaqanka, ku waa soo si xilkasnimo daraani ku jirto uga faa’iidaystaan dareenka  qabyaaladeed ee ay bulshadeenu u nugushahay.
Inkasta oo aan la wada eedeyn karin siyaasiinta iyo madaxda dhaqanka  oo dhan, oo  ay jiraan shaqsiyaad ay ka go’antahay in ay  bulshadooda si daacad ah ugu  adeegaan,  hadana dhinaca kale waxa  jira kooxaha ku shaqaysta magaca qabiilada ay ka dhasheen, iyaga oo si  joogto ah ugu foogan   hurinta colaado iyo xasarado  ku salaysan hab  isirnimo,  ku waa soo u jeedada qudha ee ay  u socdaana ay tahay bal in ay ku  helaan mansab siyaasiya ama manfac ay faraha galiyaan.
Guntii  iyo gaba gabadii,  waxaan soo jeedin lahaa in lag tashato kooxahan caqabada ku ah horumarka ay bulshada Somaliland  raadinayso. By cumar axmed cali, [email protected],tel: 0634244802.

COMMENTS