BALIGUBADLE MEDIA
Farqiga Maamul ee U Dhexeeya Dawladdaha Hoose ee Berbera iyo Hargeysa “Cali Xasan Cawaale”
January 31, 2019 - Written by admin

Marka laga hadlayo Maamulada D.hoose ee hargeysa iyo Berbera, runti kama hadlayo ama uma jeedo labada gole degaan ee degmooyinkan. laakin waxan si khaasa uga hadlaya ama isbarbardhigaya maamulka d.hoose ee labadan degmo oo ah fulinta d.hoose, siiba Xoghayaha iyo maayorka, oo leh awoodaha maamul iyo kuwa fulimeedba.

cali xasan cawaale8

hadana isbarbardhigan oo labadan maamul waxan ku soo qaadanayaa qodobadan. anigoo sida runta ah berbera walhti hore iigu danbaysay, balse dhaqdhaqaayada maamul iyo kuwa adeega ay fuliyan , si toosa inta badan ugala socda mediaha.

aan ku bilawno Maamulka D.hoose ee berbera.

1.Maamulka D.hoose ee berbera sida runta ah waa nidaam maamul oo an ku sifayn karo intan ka arkay mid transparency ah, wada jira , isla jaan qaaday, labada masuul.ee halbawlaha maamulka ahina ay si wada jira iyo kala jiraba u gudanaya hawlahii hogamineed ee ay wada lahaayihiin iyo kuwii ay kala leyihiinba.

2. Sidaan mediaha kala socono Mayorka iyo xoghaya d.hose ee beberaba wa rag is huba runtii si public ah  oo xor ahna  usoo horfadhiista dadweynaha, ay u adeegayaan isla markaana  awooda in ay bulshada ay horfadhiyaan ka qanciya tabashadooda, ayagoo bulshada usoo bandhigaya wax qaboodkooda si maqal iyo muqaalba leh. marka waa maamul haysta (credit) ama waxqabad ay la horyimaadan uu bulshadooda, sida aad mediaha ka arki karno.

3.Maamulka d.hose ee berbera, wa maamulka kaliya ee awooday ama taariikhda markii ugu horaysay wax qabdka ka sakow, umada iyo bulshada si wadaxa ugu soo bandhigay, misaaniyad sanadeedkii dhamaaday, kharash iyo dakhli, mashaariicdii ugu jirtay siday u fuliyeen iyo habka ama nidaamka xisaabeed ee ay u isticmaalen misaaniyadoodi. sidoo kale  lacagaha kabka ee ay ka helaan wasaarada iyo lacaga ay ka helaan masharicda jblg lo yaqaano   si wadaxa bulshada iyo mediahaba la wadaagay  mashaariicda ay ku fuliyeen lacagahaas. iyo waliba in ay la wadaageen bulshada iyo mediahaba habka lacagaha soo gala nooc kasta  oo ay yihiin ay u isticmaaleen.iyo waxay ku fuliyeenba  ( Xalaal Iftinba La qashaa)

DHANKA WAXQABADKA

1. Sidan kala wada socono mediaha amaba ayaguba dadweynaha dhexdooda ka sheegeen, isla markana anu dadweynuhu ku beenin. waxay maamulkani si buuxda wax uga qabteen adeegyadii kala gedisnaa ee ay bulshada u qabilsanaayen. sida dhismaha wadooyinka dhismahan adeegyada caafimaadka, bilcinta degmada berbera, nadaafada iyo adeegyada kale ee bulshada. intaba waxay ka qabteen wax badan.

DHANKA MAAMULKA D.H.EE HARGEISA

1. Sida runta ah labada maamulba mudo Isku mida ayay xilka hayeen lkn waxay ku kala gedisanyihiin.  arrimo badan oo xaga maamulka iyo waxqabadkaba ah

hadii aan soo qaadano waxyabaha ay ku kala a gedisan yihiin isla markana ku kala horeeyaan magaaloyinka hargeisa iyo berbera, waxa ka mida kuwan.

1. Maamulka d.hoose  Malaha wax wada shaqayna oo maamul iyo nidaam.maamul oo ay raacaan siiba labada halbawle ee fulinta iyo hogaaminta maamul  buddhiga u ahi,
Muudada 6 sano ah marna isku xidhnaan maamul iyo wada shaqayn maamul oo hogaamisa d. hoose may dhexmarin. Xogahayaha iyo Mayorka ,  waxana markhati ku ah,  mudada  6  sano ah golaha degaanku hayey xilka    Waxa xilka xogahayaha fulinta oo ah meshiinka socodsiiya hawlaha maamul iska bedelay 6 xoghay, fulimood. halka dawlada hoose ee berbera u iska bedalay  hal xogahaye  marka maamulka hargeysa  wuxu mashquul ku noqday 6 sano in sanadkiiba xoghaye la bedelo, taasi oo ka imanaysay dhanka mayorka

ku darso lixda xoghaye, ee lixda sanadood so maray, Laba  kamids mooye inta kalaba waxa so xushay mayorka, rabitankiisanay ku yimaaden .

arrintani wa ta keentay in u meeshaba ka baxo nidaamkii maamul ee dawlada hoose, isla markaana ay lumaan gabi ahaanba adeegyadii ay fulin lahayd dawlada hoose ee dadku ka sugayay.

2.  sidoo Ma awoodo maamulka dawlada hoose in ay sida berbera soo bandhigaan waxqabadka ay fuliyeen mudadaas, iyo sida ay u isticmaaleen lacagaha soo gala, iyo waxay ku fuliyeen, sidoo kale bulshada hargeisa lama xisaabtami karaan, sida maamulka berbera.

3.Iskadaa wax la qabto iyo adeegyada oo la hagaajiye, waxa maanta maamulka dawlada hoose lagu leeyahay mushaharkii shaqaalaha d.hoose, oo ay awoodi la, yihiin inay bixiyan.

hadaba inta dhiman adaa ku darsane, ma ku muuqata farqiga u dhaxeeya labada maamul.ee d.hoose ee berbera iyo Hargeysa? ma ku muqata Waxa is dhaafiyay xaga waxqabadka labada degmo?

Gebo gebo  anigoon waxyabo badan oo kale oo bulshadu ogtahay aan haklan ku xusin , Ma la odhan karaa Maamulka D.hoose ee Hargeisa lixdii sanadood ee u joogay waxa uu ku dhamaystay uun bedelka Xubinta Xoghayaha fulinta oo ah halbawlaha, halka maamulka  berberi ku faanayo ama ku naaloonaya Waxqabadkiisa, iyo wada shaqayntiisa?!!!!

Qormada danbe Waxan kaga hadli doona insha Allah Doorka maamul iyo kantarool.ee W. Daakhligu ku leedahay D. hoose……

Isha Ku Hay Baligubadlemedia

COMMENTS