BALIGUBADLE MEDIA
Duqii Caasimadda oo Safar Aan Soo Noqosho Lahayn Kaga Baxay Dalka + Baligubadlemedia oo Heshay Warqadii uu Xilka Ku Wareejiyay (Akhriso)
January 24, 2019 - Written by admin

Duqii Caasimadda Hargeysa ayaa maalintii shalay safar qarsoodiya kaga baxay dalka kadib markii ay soo wajaheen fadeexado baahsan oo dhinaca musuqmaasuqa ah iyadoo ilaa hadda uu hantidhawraha guud ee qaranku dawladda hoose ka wado baadhitaan baaxad leh oo aan kala go’ lahayn

soltelko3

duqa caasimadda ayaa qaar kamida dadwaynuhu u qabsadeen meelo uu ka iibiyay oo kamida suuqa hargeysa kuwaas oo uu dadka lacag ka shubay islamarkaana isagoon wali ku wareejin amar ka soo baxay hanti dhawrka lagaga joojiyay iyadoo taasi keentay inuu dalka degdeg uga baxsado markii lacago malaayiin dolar ah loo qabsaday.

inkastoo masuulku markuu safarka u baxayo aanu wareejin jirin xilka ee ku simuhu sii ahaan jiray ku xigeenkiisa hadana talaabadan maayarka caasimaddu ku kacay ee ku wareejiyay xilkiisii ayaa muujinaysa safarka aan soo noqodka ahayn ee duqa caasimaddu dalka kaga baxay.

si kastaba ha ahaatee waxaanu halkan idinku soo gudbinaynaa warqadii rasmiga ahayd ee duqa caasimaddu maaalintii shalay xilkiisii ugu tiriyay ku xigeenkiisii isaguna uu si qarsoodiya dalka kaga baxay

dhanka kale waxa soo ifbaxay musuqmaasuqyo baaxad leh oo uu hore uga sii digay xoghayihii hore ee dawladda hoose cali xasan cawaale kaas oo uu wakhtigaas ku soo bandhigay musuqmaasyadda baahsan ee ka jira dawladda hoose ee hargeysa.

isku soo wada duuboo miyaynaan odhan karin xaalka duqa caasimadda ayaa u muuqda i arkaay i arkaay i qariyaay i qariyaaybaa xigta.

sweden_n

Axmed Sofware

Baligubadlemedia.com

Hargeysa

COMMENTS