BALIGUBADLE MEDIA
Doorasho Dalka Ka Dhaceysa 2019 Ma Jirto , Ee Umadda Runta Haloo Sheego”Jamaal Cali Xuseen”
January 24, 2019 - Written by admin

Siyaasi Jamaal cali xuseen oo kamida siyaasiyiinta waawayn ee somaliland ayaa markii ugu horaysay ka hadlay beenta iyo khiyaaliga madaxda somaliland ku jaahwareeriyaan shacabka

Jamaal cali xuseen

isagoo maanta kula hadlayay hargeysa waar kamid warbaahinta ayuu siyaasi jamaal sheegay in xisbiyadda iyo xukuumaduba ogyihiin inaanay dalka doorasho ka dhacayn ee been iyo mala awaal aan jirin loo sheegayo shacbi waynaha somaliland ee daashatay beenta maalin walba madaxdu u sheegaan.

siyaasi jamaal cali xuseen wuxuu farta ku fiiqay caqabadaha hortaagan in doorashooyinka la qabto ee ay kamidka yihiin muranka komishanka iyo xeerka saami qaybsiga waxaanu madaxda somaliland u soo jeediyay inay iska daayaan beenta ay dadka u sheegayaan balse si rasmiya loo wajaho xaqiiqda islamarkaana la dhameeyo caqadaha ku gadaaman doorashadda

 

Isha Ku Hay Baligubadlemedia

COMMENTS