BALIGUBADLE MEDIA
Baarlamaanka Puntland oo Dhageystay Khudbadaha Musharixiinta
January 7, 2019 - Written by admin

Musharrixiinta u tartamaya xilka madaxweynaha iyo madaxweyne ku-xigeenka Puntland ayaa barnaamijkoodda siyaasadeed ka hor jeediyay Baarlamaanka cusub ee Puntland.

musharixiin

Hadal jeedinta musharrixiinta oo billaabatay subaxnimaddii hore ee saaka ayaa khudbadaha waxaa lagu hormariyay musharrixiinta u tartamaya xilka madaxweynaha kuwaas oo tiradoodda ay dhammeyd 21 musharrax,iyagoo  baarlamaanka ka horjeediyay khudbad ay uga hadlayeen barnaamijkooda siyaasasadeed ee ay doonayaan in ay ku hoggaamiyaan Puntland.

Musharrixiinta waxa uu mid walba soo bandhigay waxa uu doonnayo inuu qabto haddii uu xilka ku guuleysto iyo siyaasadiisa hoggaamineed, waxyaabaha ay isaga midka ahaayeen waxaa ka mid ahaa inay wax ka qaban doonan xaaladda dhaqaale ee Puntland, amniga,deegaannada maqan ee Sool iyo Sanaag, waxbarashada,caafimaad iyo horumarinta adeegyada kale ee bulshada, waxyaabaha ay sida gaarka ah qaarkood u dul istaageen waxaa ka mid ahaa arrimaha federaalka.

11 musharrax oo u tartamaya xilka madaxweyne ku-xigeenka Puntland ayaa dhankooda jeediyay khudbadohooda musharraxnimo waxaana mid waliba uu ku dheeraaday barnaamijkiisa siyaaaadeed iyo waxqabad si lamid ah sida ay ugu dheeraadeen musharrixiinta xilka madaxweynenimo ee Puntland.

Inta ay socotay munaasabad hadalkeedinta musharrixiinta guddoomiyaha Baarlamaanka Puntland, Cabdixakiin Maxamed Axmed Dhoobo ayaa ku canaantay musharrixiinta inaysan is dhageysan oo mid walba marka uu khudbada jeediyay uu ka baxay xarunta, waxaa kalo uu cannaantay xildhibaannada oo intoodda badan ka maqnaa fadhigga.

“Sidee baad ku kala xukumaysaan haddaydaan dhagaysan hadal jeedin barnaamij siyaasadeed kooda, Bulshadu way arkaysaa waxa dhacaya, waxaan u mahadcelinayaa xillibaannada 30 ka ah ee fadhiyay, iyo musharrixiinta 2-da ah”. ayuu yiri guddoomiye Dhoobo.

Baarlamaanka Puntland oo 66 xubnood ka kooban ayaa siddeeda bisha Jannaayo oo Talaadadda berri ah ku beegan codka qarsoodiga ah ku dooran doona madaxweynaha Puntland ee shanta sanno ee soo socota iyo madaxweyne ku-xigeen,iyadoo natiijada doorashada aad looga dhursagayo maaddaama musharrixiin kuwii ugu badnaa ay ku tartamayaan labada kursi.

Ammaanka magaalada xarunta ah ee Garoowe ayaa aad loo adkeeyay,waxaana socda diyaar garowgii u dambeeyay ee doorashada, sidoo kale wafuud kala duwan ayaa Garoowe soo gaaray kuwaas oo ay ka mid ahaayeen xildhibaanno ka tirsan Baarlamaanka federaalka ah ee Sooamaliya.

Isha Ku Hay Baligubadlemedia

COMMENTS