Somaliland oo Si Adag Uga Hadashay Heshiis Somaliya Ku Bixisay Kaluumaysiga Baddaha Somaliwayn
December 12, 2018 - Written by admin
Wasiirka wasaarada xanaanada xoolaha Somaliland Md Xassan Maxamed Cali Gaafaadhi ayaa waxaa uu si kulul uga jawaabey heshiis ay dhawaan Somaliya la gashay shirkad Shiinaha laga leeyahay isla markaas na uu heshiis kaas yahay mid ay Somaliya Baddaha Somaliya ay marakiib shisheeye ka kireysay isla markaana Badda Somaliland ay ka mid tahay
Wasiirka ayaa heshiiskaas ku tilmaamay mid aanay waxba ka jirin ,isla markaana Ay Somaliland u madax banaan tahay Maamulka Badda iyo Berigeeda ba