BALIGUBADLE MEDIA
Mucaaradka Congo oo Dhaliilay Doorashadii Dhacday
December 31, 2018 - Written by admin

Musharraxiinta mucaaradka ee Jamhuuriyadda Dimuqraadiga Congo ayaa ka cabanaya wax isdaba marin ballaaran oo ay sheegeen inay haraysay doorashadii madaxtinnimo ee shalay ka dhacday dalkaasi.

Dadka codkooda dhiibtay ayaa sheegay in safafku ay aad u dheeraayeen, qaar ka mid ah qalabka codeynta uu shaqeyn waayay, halka roob mahiigaan ah uu ka da’yay qeybo badan oo dalkaasi ah.

kongo
Dhanka kale rabshado ka dhacay gobolka Koonfurt Kivu ayaa waxaa ku dhintay ugu yaraan laba qof, sida BBC-da uu u sheegay sarkaal ka tirsan Qaramada Midoobay.

Dadka dalka labaad ee ugu wayn Afrika oo maanta doorasho u dareeray

Joseph Kabila: Kama bixi doono siyaasadda Congo doorashada kadib

Jean-Pierre Bemba oo loo diiday inuu u tartamo doorashada madaxtinimo

Madaxweyne Joseph Kabila, oo lagu wado inuu xilka wareejiyo ka dib 17 sano oo uu dalkaasi ka talinayay, ayaa ugu hambalyeeyay shacabka Congo sida nabada iyo sharafta leh ee ay codkooda u dhiibteen.

Balse Felix Tshisekedi oo ka mid ah musharraxiinta mucaaradka ayaa sheegay inuu ka cabsi qabo in rabshadaha dhacay ay ahaayeen kuwo laga soo shaqeeyay, si doorashada loo baajiyo, isla markaana ay taasi u sahasho in xilka uu sii hayo Joseph Kabil.

Caqabada xigta ayaa ah dhamaystirka tirinta codadka iyo soo gudbinta natiijada rasmiga ah, taasoo dhibaato badan dhalisay doorashooyinkii hore ee ka dhacay dalka Jamhuuriyadda Dimuqraadiga Congo. Natiijada hordhaca ah ayaa la filayaa 6-da bisha January 2019.

Xigasho: BBc Somali

COMMENTS