Madaxwayne Biixi oo Taladiisa Ku Hareereeyay Qoyskiisa Iyo Halista ay Ku Keeni Karto Qaranka
December 4, 2018 - Written by admin
madaxwayanaha somaliland ayaa taladiisa ku hareereeyay qoyskiisa khaasatan dumarkiisa, caruutiisa qaar uu abti u yahay iyo wax noocaasa waxaanay madaxtooyadda u muuqaal eegtahay gurigii caadiga ahaa ee madaxwayne biixi oo kale waxaana gabi ahaanba meesha ka baxay muuqaalkii dawladnimo ee ay lahaan jirtay madaxtooyadda somaliland

arintan ayaa khatar wayn ku ah qaranka waxaana madaxwayne biixi la gudboon inuu taladda dalka ka fogeeyo dumarkan iyo ciyaalkan uu ku hareereeyay kuwaas oo sida ay doonaan ula macaamila shaqaalaha waynaha madaxtooyadda iyagoo cida ay doonaan erya islamarkaana ay meesha ka baxday hanaankii iyo kala dambayntii madaxtooyadu
si kastaba ha ahaatee waa markii u horaysay ee madaxwayne somaliland ahi taladiisa ku soo ururiyo dumar iyo caruur aan waayo aragnimo shaqo iyo mid dawladnimo toona lahayn arintan ayaa muujinaysa kalsooni daradda baahsan ee madaxwaynaha haysata
Isha Ku Hay Baligubadlemedia
Like this:
Like Loading...
COMMENTS