BALIGUBADLE MEDIA
Madaxwayne Biixi oo Ku Wacad Furay Cafis uu U Fidiyay Culimo Iyo Dhalinyarro Xidhxidhan oo Reer Hargeysa ah
December 10, 2018 - Written by admin

madaxwaynaha somaliland muuse biixi cabdi ayaa ku wacad furay balanqaad uu kahor sheegay kulan uu la qaatay qaar kamida madaxda iyo siyaasiyiinta beelaha arab kuwaas oo kulan ay dhawaan la yeesheen kala hadlay sii daynta culimo iyo dhalinyaro reer hargeysa ah oo ku xidhxidhan jeelashadda dalka kuwaas oo uu madaxwaynuhu sheegay inuu cafis u fidinayo balse hadda u muuqda inuu ku wacad furay.

muuse aftaag

madaxwayne biixi ayaa la soo baxay dabeecado ka caagan qofka madaxwaynaha ah taas oo ay kamid tahay inuu marka cida arin kala hadlaysaa la joogto amar siiyo cida ay khusayso hawshaasi marka ay ka tagaana amar kale uu ka dabo raro taas oo loo yaqaan (munaafaqad) islamarkaana diinteena islaamku aad u nahiday arimaha madaxwayne biixi la soo baxay ayaa ah mid halisteeda leh hadii aanu iska dayna khatar wayn ku keeni karta qaranka.

si kastaba ha ahaatee madaxwayne biixi waxa la gudboon inuu ilaaliyo haybadda madaxtinimadda islamarkaana uu iska daayo sheeko jabhadeedka uu dalka ku hagayo

Isha Ku Hay Baligubadlemedia

 

COMMENTS