BALIGUBADLE MEDIA
Madaxwaynaha Eritrea oo Gaadhay Muqdisho Soo Dhawayntii Loo Sameeyay Iyo Wararkii U Dambeeyay
December 13, 2018 - Written by admin

Madaxweynaha Soomaaliya ,Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa ku soo dhaweeyey garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho, Madaxweynaha dalka Ereteriya Mudane Isaias Afwerki iyo wafdi uu hoggaaminayo oo maanta soo gaaray dalka.

Labada Madaxweyne ayaa salaan sharaf ka qaatay cutubyo ka tirsan Ciidanka Xoogga Dalka, iyadoo astaanta labada dal ay garaacayeen Ciidanka Baambayda Soomaaliyeed.

farmaajo and isais

Sidoo kale, kumannaan shacab ah ayaa isugu soo baxay fagaarayaasha caasimadda si ay u soo dhaweeyaan Madaxweyne Isaias Afwerki iyo wafdigiisa, iyagoo ku dhawaaqayey hal-ku-dhigyo ay ku muujinayeen xiriirka ka dhaxeeya labada shacab.

isais and farmaajo

Madaxweynaha dalka Ereteriya iyo wafdigiisa ayaa booqasho rasmi ah oo labo maalin ah ku joogi doona dalka, kaddib casuumaad rasmi ah oo uu u fidiyey Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.

Booqashadan ayaa salka ku haysa abuuridda hannaan iskaashi iyo mid diblumaasiyadeed oo ay yeeshaan Soomaaliya iyo Ereteriya, iyo dardargelinta qorsheyaasha wadajirka ah ee ku aaddan amniga, dhaqaalaha iyo maalgashiga.

Soodhaweynta Wafdiga Madaxweynaha dalka Ereteriya waxaa ka qeyb galay Raiisul Wasaare Kuxigeenka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Mahdi Maxamed Guuleed, Xubno ka tirsan Golaha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudanayaal ka tirsan labada Aqal ee Baarlamaanka, Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Mudane Cabdirixmaan Cumar Cusmaan (Eng.Yarisow) iyo Taliyeyaasha Ciidanka Xoogga Dalka.

Isha Ku Hay Baligubadlemedia

COMMENTS