Madaxwaynaha Dalka Jabuuti oo Qasrigiisa Ku Qaabilay Wafti Ka Socda Dawladda Somaliya
December 18, 2018 - Written by admin
Ra’iisul wasaare ku-xigeenka Soomaaliya, Mahdi Maxamed Guuleed ayaa magaalada Jabuuti kula kulmay madaxwaynaha dalka Jabuuti, Ismaaciil Cumar Geelle.

newsinisdeRa’iisul wasaare ku-xigeenka dalka iyo madaxwayne Ismaaciil Cumar Geelle ayaa ka wada hadlay xariirka walaaltinimmo ee labada dawladood iyo labada shacab, arrimaha gobalka, iyo amniga.
Guuled ayaa madaxwaynaha Jabuuti uga mahad-celiyey taageerrada reer Bjibouti la garab taaganyihiin shacabka iyo dawladda Soomaaliye.
Madaxweyne Geelle ayaa intii kulanku socday ballan qaaday inay joogtaynayaan is-garab istaagga shacabka iyo dawladda Soomaaliyeed.
Wasiirro iyo mas’uuliyiin kale oo ka socda labad dawladood ayaa qayb ka ahaa kulanka ay yeesheen ra’iisul wasaare ku-xigeenka Soomaaliya iyo madaxwaynaha Jabuuti.
Isha Ku Hay Baligubadlemedia
Like this:
Like Loading...
COMMENTS