BALIGUBADLE MEDIA
Kooxo Hubaysan Oo Magaalada Qardho Ku Weeraray Kornayl Caarre + Wararkii U Dambeeyay.
December 30, 2018 - Written by admin

Kooxo hubaysan ayaa saaka badhtamaha magaalada Qardho ku weeraray Kornayl Siciid Caarre, oo hoggaamiyaha Jabhad fadhigeedu yahay Puntland oo Somaliland ka soo horjeeda.

breaking news

Kooxda ayaa ka xaystay gaadhigii gaar ka ahaa ee kornayl Siciid Cawil Caarre.

Wariyaha HCTV , ayaa sheegaysa in hadda ay socdaan waan waan Odayaasha deeganku wadaan oo la doonayo in kooxda lagaga soo celiyo Gaadhiga.

Illaa hadda ma cadda sababta ay kooxdani u dhaceen Gaadhiga kornayl Siciid Cawil Caarre, balse wararka na soo gaadhaya  ayaa waxa ay sheegayaan in kooxdan weerarka gaystay ay daba socoto weeraro hore oo ay gaysteen dad ay isku deegaan yihiin Kornayl Caarre oo la sheegay inay hore gaadhi uga dhaceen

Isha Ku Hay Baligubadlemedia

COMMENTS