Gaashaanbuurta Nato oo Digniin U Jeedisay Dawladda Ruushka
December 5, 2018 - Written by admin
Wadamada isbahaysiga gaashaanbuurta Nato ayaa ku eedeeyay Rushka in uu jabinayo oo uu ku tumanayo heshiiskii xakamaynta gantaalada riddada Dhexe.
Mareykanka ayaa Ruushka u qabtay muddo kama dambeys ah oo 60 maalmood ah in ay dib ugu soo laabtaan u hogaansamidda heshiiskii xakamaynta hormarinta gantalada riddada dhexe ee la saxiixay 1987.
Mareykanka ayaa ku hanjabay in haddii aysan Ruushka arrintaas samayn ay heshiiska ka bixi doonaan.
Xoghayaha arrimaha dibadda ee Mareykanka Mike Pompeo ayaa hadalkan ka sheegay shirka wasiirada arrimaha dibadda ee wadamada gaashaanbuurta NATO ee Brussels ka dhacay,waxaana muuqata in ay jirto taageero guud oo loo muujiyay go’aanka Mareykanka, balse taxadarna uu ku jiro.
Heshiiskan gantaalada riddada dhexe ayaa udub dhaxaad u ahaa xakamaynta hubka xilligii dagaalkii qaboobaa.
Waxaa heshiiskani meesha looga saaray dhamaan madaafiicda goobta ee ridadoodu u dhaxeyso 500 ilaa 5,500 oo kiilo Mitir.
Balse muddo imika dhowr sano ah Mareykanka ayaa ka walaacsanaa waxa ay ku tilmaameen dadaalka uu Ruushka ugu jiro in uu heshiiskaasi uu burburiyo.
Ruushka ayaa sida ay Mareykanka sheegeen waxa ay daadgureeyeen gantaalo cusub taasi oo halis ku ah bartilmaameddyo Yurub ku yaalla.
Dowladda Mareykanka ayaa imika waqti kama dambeys ah u qabtay xukuumadda Moscow in ay dib ugu soo laabtaan u hogaansamidda heshiiskii xankamaynta hormarinta gantaalada ridada dhexe.
Mareykanka ayaa waxay ka digeen in haddii Ruushka muddada 60 maalmood ah ay heshiiska ugu hogaansami waayaan ay mareykankana joojin doonaan dhaqangalintiisa.
Wadamada gaashaanbuurta NATO ayaa dhankooda taageeray go’aanka Mareykanka ee ka dhanka ah Ruushka.
Ruushka ayaa dhankooda beeniyay in ay dhisayaan gantaalo jabinaya heshiiskaasi xakameynta gantaalada riddada dhexe iyo riddada gaaban.
Cabsida la qabo imika ayaa waxay tahay in haddii heshiiskani xakamaynta gantaalada ridada dhexe uu burburo ay arrintan gacan ka gaysan karto in meesha ay ka baxaan dhamaan nidaamka heshiiyada lagu xakamaynayo hubka kuwaasi oo muhim u ahaa istaraatijiyada daganaashiyaha caalamka.
Xigasho:Bbc somali
Like this:
Like Loading...
COMMENTS