BALIGUBADLE MEDIA
Wasiirka Gaadiidka oo Xilkii Umadda Uga Faa’idaysanaya Danno Shakhsiyadeed
November 17, 2018 - Written by admin

Wasiirka gaadiidka iyo jidadka somaliland cabdilaahi abokor ayaa xilkii iyo mansabkii uu u hayay qaranka uga faa’idaysanaya  danno shakhsi oo isaga u gaar ah isagoo mudooyinkii u dambeeyay  badhtilmaameedsanayay qaar kamida gaadiidka dalka kuwaas oo uu ka joojiyay adeegyo ay dadka u samayn jireen oo ay kamid ahayd safaro ay ugu bixi jireen goboladda dalka.

cabdilaahi abokor

wasiirka oo saami ku leh mid kamida shirkadaha lagu safro ee u kala baxa goboladda dalka ayaa cunaqabatayntan ku soo rogay gaadiidka loo yaqaan vitz-ta iyo noahadda isagoo uga dan leh inuu ku naasnuujiyo shirkadda uu samiga ku leeyahay ee gaadiidkeedu u kala baxaan goboladda dalka

si kastaba ha ahaatee madaxwaynaha somaliland ayaa umadda ku daawanaya wasiirkan socod baradka ah islamarkaana isagoo la ogyahay xad gudubyadii uu hore dalka uga galay hadana wasiir qaran uu ka dhigay madaxwaynaha somaliland muuse biixi cabdi

Isha Ku Hay Baligubadlemedia

 

COMMENTS