BALIGUBADLE MEDIA
Waa Kuma Wiilka Ugu Qandaaasyadda Badan ee Madaxwaynuhu Qaraabo Kiilka Ugu Miisay Hantidii Umaddu Wada Lahayd ?
November 2, 2018 - Written by editor

maamulaha shirkadda shirkadda sagal oo hore u ahaa shakhsi kamida ganacsatadda ayaa mudooyinkii dambe tan iyo intii muuse biixi la wareegay taladda dalka usku badalay dilaalka ugu wayn dhinaca qandaraasyadda ee madaxwaynuhu qaraabo kiilka ugu miisay lacago malaayiin dolar ah oo uu qandaraasyo ku qaatay wiilka oo uu madaxwayne biixi adeer u yahay ayaa ganacsigiisii xalaasha ahaa mar qudha ku dhex daray hantidii umadda iyadoo taasi keentay inuu kala garanwaayo xaaraanta iyo xalaasha maadaama oo uu isku dhex walaaqay

sagal jett aar

wiilkan oo lagu magacaabo cabdi yuusuf aar ayaa u muuqda inuu ku mamay hantida qaranka kadib markii uu waaay cid ka xakamaysa waxaanay taasi keentay inuu afka u dhigto qandaraas kasta oo uu madaxwaynuhu bixiyo tiraba tobanaeeyo qandaaraad oo malaayiin dolar ah ayuu qaatay kuwaas  oo aan la qiyaasi karin mashruucii u dambeeyay ayaa ahaa mid uu ku qaatay la dagalaanka qabyaaladda kaas oo uu actor uga dhigay fanaanka maxamed bakeeri balse fikirka iyo dhaqaalaha mashruucan ayaa ah mid ka soo fulay cabdi yuusuf aar oo inta ugu badana qaatay lacagta qandaraaska

si kastaba ha ahaate hadal haynta wiilkan ayaa ku soo badanaysa guud ahaan mujtamaca reer hargeysa waxaana gabi ahaanba meesha ka baxay balanqaadadii madaxwayne biixi ee hantida qaranka isagoo u qaraabo kiilaya qoyskiisa iyo beeshiisa taas oo bulshadda somaliland aad ula yaabantahay

Isha Ku Hay Baligubadlemedia

COMMENTS