BALIGUBADLE MEDIA
Trump oo Ka Yaabiyay Madaxwaynaha Dalka Finland
November 19, 2018 - Written by admin

Gudoomiyaha Golaha Guurtida somaliland ayaa shaashadaha warbaahinta ka soo muuqday isagoo ka hadlaya gunooi Shacabka iyo madaxda dalka Finland ayaa aad ula yaabay hadal uu jeediyay madaxweynaha Maraykanka Donald Trump, kaas oo sheegay in madaxweynaha Finland uu u sheegay in ay xaaqaan xaabka dhirta, sidaasna ay kula tacaalaan dabka ka kaca kaymaha.

trump fataal

Trump ayaa ka hadlayay dabka weli kasii hulaaqaya gobolka California ee dalka Maraykanka.

Balse madaxweynaha Finland Sauli Niinisto ayaa sheegay in uusan xusuusan goorta uu hadalkaas ku yidhi  Trump.

Trump ayaa inta badan jeediya hadalo lala yaabo, oo dadkii uu ka sheegayna ay inta badan beeniyaan, ama ayba caddaato in aysan sax ahayn.

Dad badan oo baraha bulshada isticmaala ayaa muujiyay sida ay ula yaabeen Trump.

Isha Ku Hay Baligubadlemedia

COMMENTS