BALIGUBADLE MEDIA
Siyaasadii Geeska oo Si Xawliya Isku Badalaysa Iyo Muuse Biixi Iyo Seedigii Geele oo Go’doon Siyaasadeed Wajahaya
November 13, 2018 - Written by editor

jawiga siyaasadeed ee mandaqadda geeska afrika ayaa si xawliya isku badashay iyadoo saamaynta ugu wayn ee is bedeladda geeska ay kaalin laxaadle ka qaadatay  dawladda cusub ee ethiopia taas oo uu raysal wasaare aby muddo yar markii uu hayay taladda dalkaas la heshiiyay dawladda eritrea oo cadaawad wayni ka dhaxaysay rubuc qarnigii u dambeeyay dawladda ethiopia taas oo uu gabi ahaanteedba meesha ka saaray rasal wasaare aby ahmed oo heshiis rasmiya la saxeexday madaxwaynaha eritrea islamarkaana cadaawadii labadda dal u badalay saaxiibtinimo.

geele iyo muuse

hadaba rasalwasaare aby oo danaynaya siyaasadda somaliya io eritrea ayaamudooyinkii u dambeeyay casuumado kala duwan u fidinayay madaxwaynayaasha somaliya iyo eritrea kuwaas oo la arkayay xaflado badan oo ay ka wada qyabgaleen islamarkaana si aad ah iskula jaan qaaday.

madaxda saddexda dal ee somaliya, ethiopia iyo eritrea ayaa si aad ah iskula janqaaday iadoo go’aamo todobaadkan ka soo baxay shirkii baxar dar lagu sheegay inaan dawladda somaliya lagu fara galin arrimaheeda masiiriga ah iyo madaxbanaanideeda dhuleed arintaas oo gabi ahaanba meesha ka saartay doorkii somaliland islamarkaana muujinaysa sida farmaajo ugu guulaystay inuu ethiopia ka dhaadhiciyo in midnimadda somaliwayn muqadas tahay

dhanka kale madaxwyane geele oo isna kamid ahaan jiray qabqab layaasha madaxda geeska ayaa isna booskiisii la galiyay madaxwaynaha eritrea oo isbedeladda geska si wayn ula jaanqaaday kana mid ah madaxda ugu saraysay wakhtigan ee geeska

si kataba ha ahaatee madaxwayne biixi iyo seedigii geele  ayaa wajahaya duruufo adag oo siyaasadeed iyagoo mandaqadda ka galay go’doon wayn oo siyaasadeed.

Isha Ku Hay Baligubadlemedia

COMMENTS