BALIGUBADLE MEDIA
Proff Cabdi Cali oo Shaaciyey in Muuse Biixi u Jeelan yahay Inuu Isku Dhufto Beelaha Somaliland Isagoo Adeegsanaya Siyaasad Gumeysi Sokeeye
November 11, 2018 - Written by admin

Prof-Abdi Ali Jama

cabdi cali
Ku: Siyaasiyiinta Garxajiska iyo Reeraha Kale Ee Somalilanad; (very informal letter)

Og: Xubnaha Barlamaanka ee Daacadda Ah.

Subject: Devide and Rule, Not In My Name (Iska Beri Yeelid)

Qof Kasta Oo Iska Beri Yeelaya Siyaasadda Iska Hor-keenka Reeraha Walaalaha Ah, Waxan Ka Codsanayaa In Uu Taageero Soo Jeedintan.

Anigoo ogsoon in uu M/weynhu sharci u leeyahay soo magacaabidda golaha wasiirada; haddana waxa laga dheehan karaa siyaasadda uu rabo in uu ku hogaamiyo waddanka in ay tahay nooca siyaasadda Gumaysigu ku maamulo dal cadaw ah oo uu xoog ku qabsaday; marna siyaasaddan oo kale kuma dhaqanto cid lexejeclo ka leh dadkieeda iyo dalkeeda, oo loo soo doortay si dimuqraadi ah oo xor ah.

Markaan arkay Golaha uu soo dhisay M/weyne Biixi; markaan arkay dareenka diidmada ah ee ay ka bixiyeen dhammaan dadka Baraha Bulshada ku jiraa iyo kuwa suuqa jooga intuba, waxan qirayaa in ay xeeladdu tahay DEVIDE and RULE; haddaba waxan u soo jeedinayaa walaalaha in aynaan u nuglaan goljilicdaa layna qabanayo ee aynu meel uga soo wada jeesano la xisaabtanaka hoggaanka dalka iyo la dagaalanka siyaasadda gumaysiga sokeeyaha ah.

Haddii isagu awood sharci u leeyahay in uu soo magacaabo wasiirada, innaguna waxaynu awood u leenahay in aynu dabagalo oo intaynu beddelo mawduucan wasiirada iyo sida loo qaybsanayo oo ah ka la rabo in la innagu mashquuliyo ee aynu ku kala fogaano, waxaynu innaguna awood u leenahay innaga oo kaashanayna Barlamaankeena inta aan la laaluushi karin in aynu bilawno in aynu bilawno la xisaabtan sida xagguu maray dhaqaalihii waddanku, immisa sharci baa la jabiyay; immisa maamul xumo ayaa la sameeyay; xorriyada saxaafadda, xuquuqal insaanka; taasina waa ta keenaysa inuu qasab lagu soo dhiso dawlad waafaqsan dhaqan siyaasadeedka hufan ee lagu yaqaanay Somaliland; taasina waxay suuragalaysaa innaga oo aan kala qaybsamin oo aan kala biiqbiiqin; haddii aynu qabysanno isma caawin karno, ee ogaada!!!
Prof-Abdi Ali Jama

Agaasimihii Guud ee Wasaarada Qorsheynta Somaliland

Cabdo; u dhaq-dhaqaaqa isu soo jiidka iyo walaalaynta beelaha Somalialnd.

COMMENTS