Muxuu Daarnaa Kulan Siyaasadeedkii Qarsoodiga Ahaa Ee Shalay Hargeysa Ku Dhex Maray Saylici Iyo Gaboose?
November 2, 2018 - Written by admin
Madaxweyne ku xigeenka Somaliland Md. Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil Saylici ayaa shalay kulan qarsoodi ah la yeeshay Siyaasi Dr. Maxamed Cabdi Gabboose oo in muddo ahba saaxadda siyaasadda ka maqnaa tan iyo intii Urur siyaasadeedkiisii UMADDU ku hadhay tartankii Ururrada Siyaasadda Somaliland doorashooyinkii sannadkii 2012.
Ilo-wareedyo u dhuun-daloola kulan siyaasadeedkan ayaa Wargeyska FOORE u xaqiijiyey in shalay Galinkii hore ay kulan gaar ah yeesheen Madaxweyne Ku Xigeenka Somaliland iyo Dr. Maxamed Cabdi Gabboose iyada oo ay xogahani tibaaxayaan in Madaxweyne ku xigeenku isagu ahaa masuulka siyaasiga booqashada ugu tagay, walina lama oga sababta keentay kulankaasi iyo waxa uu daarnaa toona.
Dhawaan ayay ahayd markii xubno uu ka mid yahay Siyaasi Maxamed Nuur Carraale Duur oo ka tirsan xisbiga WADDANI kana mid ah siyaasiyiinta beeshu ka soo ag muuqday munaasabado dhawr ah madaxda xukuumadda oo la sheegay in ay muddooyinkii dambe isku san bannaanaayeen.
Siyaasi Maxamed Cabdi Gabboose ayaa xisbiga KULMIYE si dhaw ula soo shaqeeyey wakhtigii Madaxweyne Axmed Siilaanyo u ordayay doorashadii dalka ka qabsoontay 2010 ee uu talada dalka kula wareegay isaga oo kula heshiiyey wakhtigaasi in xukuumaddu ku taageerto hankiisii siyaasadeed ee ahaa in uu samaysto urur siyaasadeed, muddo kadibna uu u orday ururkiisii UMADDA oo uu ku fashilmay in uu u soo baxo heer xisbi, wixii intaasi ka dambeeyeyna laguma arag saaxadda siyaasadda.
Isha Ku Hay Baligubadlemedia
Like this:
Like Loading...
COMMENTS