BALIGUBADLE MEDIA
Maxamed Farah oo Ku Guulaystay Maaratoonkiisii Ugu Horeeyay
November 24, 2018 - Written by admin

Orodyahanka reer Britain, Mo Farah, ayaa ku guulaystay maaratoonkiisii ugu horreeyey, waana tartankiisii seddexaad ee uu uga qayb galo Chicago.

35 jirkan ayaa kaalinta 3aad ka galay maaratoonkii London ee sannadkan, wuxuuna dhigay Rikoor cusub oo reer Yurub u yaalla oo ah 02:05:11.

maraton

Tartanka Chicago, wuxuu nus-maylkii u dambeeyey aad uga hormaray Mosinet Geremew oo Itoobiya u dhashay, ayadoo cimiladu ay xumayd.

Waa orodyahankii ugu horreeyey ee Britain matalaya ee ku guulaysta tartankaas tan iyo markii uu qaaday Paul Evans 1996.

Farah oo lix goor noqday horyaalka adduunka, laba goorna noqday horyaalka olombigga ee 10,000 iyo 5,000 mitir, ayaa masaafooyinkaas ka haray bishii Agoosto 2017, isagoo diiradda saaray oroddada waddooyinka lagu ordo.

Bishii Abriil, tartankii London wuxuu ku dhameeyey 02:06:21, isagoo ka guulaystay 33 jirka Steve Jones oo haystay rikoorka Britain

Ninkii ay tababarka wada qaadan jireen, ahaana ninkii difaacanayey tartanka Chicago, Galen Rupp, ayaa Axaddii galay kaalinta 5aad.

“Waxay ahayd heer sare in aan la tartamo Galen oo sannadkii hore guulaystay, oo aan markan anigu guulaysto” ayuu yiri Mo Farah oo maaratoonkii London ee 2014 kaalinta 8aad galay.

“Xaaladdu ma fiicnayn, qof kastana wuxuu ka fekerayey cimilada halkii uu ka fekeri lahaa wakhtiga, laakin markii aan dhamaadka ku dhawaannay ayaan sii karaar qaadannay.

Rayrayn ayaan dareemay markii aan ku sii dhawaanayey dhamaadka. Billowgii hore, waxoogaa gaabis ah ayaan yara dareemay, laakin guud ahaan waan ku faraxsanahay” ayuu yiri.

Dhinaca gabdhaha, Brigid Kosgei oo Kenya u dhalatay, kaalinta 2aadna ka gashay tartankii London, ayaa sannadkan ku guulaysatay maaratoonka Chicago, ayadoo ku dhamaysay 02:18:35.

Isha Ku Hay Baligubadlemedia

COMMENTS