BALIGUBADLE MEDIA
Maxamed Binu Salmaan oo Safarkiisii Ugu Horeeyay Ku Tagay Imaaraadka Xilli Aduun Waynuhu Aad Isha Ugu Hayo
November 24, 2018 - Written by editor

Amiir Maxamed Bin Salman oo ah Dhaxal-sugaha Boqortooyada Sacuudiga  ayaa xalay socdaalkiisii ugu horeeyey dibeda ku aaday tan iyo markii qunsuliyada Sacuudiga ee Istanbul lagu dhex dilay suxufigii reer Sacuudi Jamal khashoqgi.

maxamed binu salmaan8

Amir Mohamed Bin Salman ayaa la filayaa in safar uu marayo dhowr dal oo carbeed isagoo lugtii koowaad ee socdaalkiisa ku tegay dalka Isku taga Imaaraadka Carabta.

Waxaa garoonka Abu Dhabi ku soo dhoweeyay dhaxal-sugaha Imaaraadka Carabta Mohamed Bin Zayid, waxaana lagu wadaa inuu tago dalal kale oo carbeed oo sacuudiga saaxiib dhow la ah.

Isha Ku Hay Baligubadlemedia

COMMENTS