BALIGUBADLE MEDIA
Madaxweyne Farmaajo oo Maanta Waraaqihii Aqoonsiga Ka Gudoomay Safiirka Maraykanka
November 17, 2018 - Written by admin

Madaxweynaha dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya ayaa maanta waraaqaha aqoonsiga ka guddoomay Safiirka cusub ee Mareykanka u soo magacaabay Soomaaliya Amb. Donald Yamamoto.

farmaajo iyo safiirka usa

Madaxweyne Farmaajo ayaa tagay xarunta Xalane oo ku taal xeyndaabka  sida weyn loo ilaaliyo ee garoonka diyaaradaja Muqdisho, halkaasoo wada  hadalo kula qaatay Amb Donald Yamamoto.

Danjiraha cusub Yamamoto ayaa Madaxweynaha uga mahad celiyey ka guddoomidda waraaqaha aqoonsiga, isaga oo  sheegay in dowladda Maraykanku ay Soomaaliya ka caawin doonto  dhinacyada horumarka, amniga, dhaqaalaha iyo arrimaha bulshada.

Madaxweyne Farmaajo ayaa dhankiisa danjiraha cusub u mahad  celiyey,  isaga oo ku soo dhaweeyey Soomaaliya, una ballan qaaday in dowladda  Soomaaliya ay la shaqayn doonto.

Hadii ay Mareykanku Soomaaliya Safaarad ku yeeshaan waxa ay sii xoojineysaa xiriirka labada dal waa Mareykanka iyo Soomaaliya.

Isha Ku Hay Baligubadlemedia

COMMENTS