Kornayl Muuse Biixi oo La Soo Baxay Dhaqanadii Lagu Yaqaanay Iyo Falanqaynta Shacabka Somaliland
November 11, 2018 - Written by admin
madaxwaynaha somaliland muuse biixi ayaa la soo baxay dhaqanadii iyo dabeecadii qabyaaladda ahaa ee lagu yaqaanay isagoo ku sii adkaysanaya inuu beeshiisa ku sii taxo mansabyadda ugu sareeya dalka

madaxwayne biixi ayaa la soo baxay dhaqaniidiisii uu hore dalka ugu galiyay colaadaha sokeeye wakhtigii uu wasiirul daakhiliga ka ahaa xukuumadii cigaal waxaanay dhamaan bulshadda la yaabantahay sida badheedhka ah ee uu majarihii qaranka u habaabiyay islamarkaana uu xilalkii umadda ugu sadburinayo beeshiisa
dadka reer somaliland ee baraha bulshadda adeegsadda ayaa ku doodaya inaan taladda dalka lagu sii daawan karin madaxwayne muuse loona baahanyahay in dalka la badbaadiyo lana mudeeyo shirwayne qaran oo haldoorka somaliland kaga tashadaan aayaha dalka maadaama oo uu dalku ku jiro marxalad aad u xun oo u baahan in wax laga qabto
dhanka kale golayaashii dawladda ee madaxwayne biixi la xisaabtami lahaa ayaan iyaguna shaqaynayn waxaanay xaaladu haday sidan ku sii socoto isku badali doontaa banaanbaxyo waawayn oo dadku madaxwaynaha kaga dalbadaan is casilaad hadii golayaasha sharci dajintu shaqayn waayaan
Isha Ku Hay Baligubadlemedia
Like this:
Like Loading...
COMMENTS