BALIGUBADLE MEDIA
Hanti Dhawrka Qaranka oo Baadhis Culus Ku Haya Wasaaradda Maaliyadda Somaliland
November 2, 2018 - Written by admin

Hanti Dhawrka Qaranka Somaliland ayaa Baadhis Culus ku haya Xarunta dhexe ee Wasaaradda Maaliyadda Somaliland, waxa ay kala wareegeen Dhamaan Macluumaadkii Xisaabta gaar ahaan buugtii iyo wixii kale ee la xidhiidhay waxaana culays badan la saaray Xafiiska guud ee Wasaaradda u qaabilsan lacagta ee loo yaqaan Xafiiska Maamulka iyo Lacagta.

maaliyadda

sida aanu ka soo xiganay wargeyska foore waxa ay hanti dhawrku si kedis ah ku galeen maalin saddexaadkii Xarunta guud ee Wasaaradda Maaliyadda, waxaanay kala wareegeen oo ay ka qaateen xafiiska Maamulka Iyo Lacagta dhamaan Dhokomintayadii Xisaabta ee ay sannadkan 2018-ka ku shaqaynayeen iyagoo la sheegay inay hakad galiyeen shaqadii ka socota Xafiiska maamulka Iyo Lacagta, waxaanay warar kale Shabakadda 24Somaliland.net u xaqiijiyeen  in shaqo joojin lagu sameeyay shaqaalihii xafiiskaasi ka hawlgalayay tan iyo inta baadhistaasi laga gun gaadhayo. Wararkan ayaa intaasi ku daray in Agaasimihii Maamulka iyo Lacagta ee Wasaaraddaasi laga joojiyay sidoo kale inuu wax saxeex ah sameeyo inta baadhistaasi socoto ee natiijo laga gaadhayo.

Lama garanayo sababta dhabta ah ee ay Hanti dhawrku sida kediska ah ugu galeen ee ay u galalafeen Wasaaraddii Lacagta, balse waxa hubaal ah inaanay Hanti dhawrku iska gali Karin islamarkaana wax baadhis ah ula tagi Karin meel aanay oolin Wax tuhun ahi. Sida ay shabakada u xaqiijiyeen dad u dhuun daloola Wasaaradda Maaliyaddu, waxa ay Masuuliyiinta ugu saraysa ee Wasaaradda Horumarinta Maaliyadu mudooyinkii u dambeeyay isku badelo ku sameeyeen Masuuliyiinta Ka hawlgala Xafiisyada xarumaha Cashuur ururinta, arintaasi oo saamaysay illaa Shaqaalaha Xarumaha Cashuur ururinta Heer Gobolka iyo heer degmo, waxaana muuqata inuu jiro tuhuno la taaban karo marka loo eego isku shaandhaynahaasi  iyo baadhista kediska ah ee ay Xafiiska Hanti dhawrka Qaranku hadda ka wadaan Xarunta guud ee Wasaaradda maaliyadda ee ay fadhiyaan Masuuliyiintii ugu saraysay Wasaaraddu.

Badhistan ayaa ku soo aadaysa wakhti kala wareeg ah oo uu dhawaan uun sida la sheegay uu Madaxweyne Muuse Biixi ka dalbaday Golihiisa Wasiiraddu inay soo gudbiyaan wax qabadkoodii mudadan sanadka ku dhaw ee ay xilka hayeen ka hor intaanu sanadku dhamaan. Waa markii u horaysay Somaliland ee ay Hanti dhawrku galaan Wasaaradda Maaliyadda, Waxaanay muujinaysaa sida ay Xukuumaddan Cusubi uga go’an tahay la dagaalanka Musuq maasuqa ragaadiyay Somaliland intii ay jirtay.

Haddaba Wargeyska Foore oo isku dayay inuu Xafiiska Hanti dhawrka wax ka waydiiyo arintan ayaanay u suurtagalin kadib markii uu Xafiiskaasi ka gaabsaday inuu Wax faah faahin ah ka bixiyo.

Isha Ku Hay Baligubadlemedia

COMMENTS