Gudoomiyaha Guddidii Madasha ee Ku Dhex Milantay Xukuumadda Muuse Biixi oo Fariin Adag U Diray Madaxwaynaha
November 21, 2018 - Written by admin
Xassan Guure Jaamac Gudoomiyaha Madashada Wada Tashiga iyo Toosinta Qaranka Somaliland ayaa waxaa uu saxiibkii madaxweyne Muuse Biixi ugu baaqay inuu xal u helo shacabka Somaliland ee ku kala qeybsamay doorashadii dalka ka dhacday sanadkii hore , waxaana uu Mujaahidku nasiib daro ku tilmaamay in hada oo doorashadii laga joogo muddo sanad ah uu xal u waayo
Sidoo kale Muj Xassan Guure oo ka jawaabeyey Su,aal la weydiiyey oo ku saabsan Buugii uu Xirsi qoray waxaa uu ku baaqay in arinta uu Xirsi qoray loo saaro guddi madax banaan oo hadii ay been tahay Xirsi Maxkamad la saaro hadii ay run tahay-na dib loogu noqdo dhamaan heshiis yadii Siilanyo galay