Farmaajo iyo Afwerki oo Gaadhay Adis-ababa
November 9, 2018 - Written by admin
Madaxweynaha Soomaaliya, Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo madaxweynaha dalka Eritrea ,Isaias Afwerki ayaa goor dhow gaaray magaalada Gondar ee gobolka Baxar-daar.

Markii ay gaareen garoonka diyaaradaha magaalada Gondar , waxaa soo dhaweeyay ra’iisul wasaaraha dalka Itoobiya, Abiy Axmed iyo mas’uuliyiin sare oo ka tirsan dowladda federaalka Itoobiya.
Saddexda hoggaamiye ayaa qaadan doona shir saddex-geesood ah oo looga golleeyahay natiijooyinkii kasoo baxay heshiiska shirkii is-dhex galka dhaqaalaha ee ay waddamada gobolka ku yeesheen magaalada Asmara ee xarunta dalka Eretrea , bishii September.
Waxaa sidoo kale la filayaa inay booqdaan mashaariicda horumarineed ee Gondor iyo Baxar-daar.
Isha Ku Hay Baligubadlemedia
Like this:
Like Loading...
COMMENTS