BALIGUBADLE MEDIA
Ethiopia oo La Baxday Qunsulkii Ka Joogay Hargeysa Iyo Somaliland oo Go’doon Siyaasadeed Wajahaysa
November 20, 2018 - Written by admin

Dawladda ethiopia ayaa markii ugu horaysay dalka kala baxday qunsulkii u joogay hargeysa kaas oo dhawr iyo tobankii sanno ee u dambeeyay ka hawl galayay hargeysa iyadoo mudadaas xafiiska iska badaleen dhawr qunsul

breaking news

hadana wali may dhicin mudadaas in ethiopia ay qunsulkeeda kala baxdo hargeysa qaar kamida warbaahinta ethiopia ayaa aad u qoray arintan iyagoo sheegay in arintani ka dambayso isbedeladda ka socda geeska ee ay hogaaminayaan madaxda dalalka ethiopia, eritrea iyo somaliya taas oo go’aanadda ay isla gaadheen ay kamid ahayn in fara galinta laga daayo dalka somaliya islamarkaana dawladda somaliya lagu barbar istaago midnimadda umadda somaliyeed

qunsulka ayaa maalintii shalay ku noqday adis ababa kana dhoofay madaarka hargeysa
waxaana hadda wixii ka dambeeyay ethiopia arrimaha somaliland kala xaajoon doontaa dawladda somaliya ma jiro ilaa hadda war rasmiya oo ka soo baxay dawladda somaliland oo ay kaga hadlayso arintan

Isha Ku Hay Baligubadlemedia

COMMENTS