BALIGUBADLE MEDIA
Xukuumadda oo Mar Labaad Xabsiga Dhigtay Suldaan Hadhiye Iyo Chief Caaqil Halac oo Kamida Madaxdhaqameedka Dalka
October 14, 2018 - Written by admin

Xukuumada somaliland ayaa mar kale xabiga dhigtay Suldaan Siciid Cabdi Jaamac(Hadhiye), caaqil Xuseen Colaad Jaamac(Halac) iyo caaqil Cadaawe oo ka mid ah madax dhaqameedka hargeysa.

hadhiye iyo halac

Sida ay sheegayaan wararka ay Hadhwanaagnews  heshay Xadhiga madax dhaqameedkan cuqaasha ah ayaa ka dambeeyey ka dib markii xubno xukuumada ka tirsani ay ka war heleen in munaasibad caleemo saar ah loo qabanayo Suldaan Siciid Cabdi Jaamac(hadhiye) oo la qorshaynayey in dhawaan lagu caleemo saaro deegaan koonfurta kaga beegan magaalada Hargeysa.

Xadhiga cuqaashan ayaa imanaya markii labaad, iyada oo xukuumadu ay hore xabsiga u dhigtay, kuwaas oo xoriyadooda helay ka dib markii ay xidhnaayeen mudo kor u dhaafaysa

Isha Ku Hay Baligubadlemedia

COMMENTS