BALIGUBADLE MEDIA
Xisbiga KULMIYE Oo Ku Gacan-saydhay Dalabyo Uu Guddoomiyaha UCID U Gudbiyay Oo Lagu Dejinayo Arrinta Guddida Doorashooyinka
October 2, 2018 - Written by admin

Xisbiga Mucaaradka ah ee UCID ayaa isaga dab-qaadaya Labada Xisbi ee KULMIYE iyo WADDANI oo uu isku khilaafsan arrimo ay ka mid yihiin hogaaminta dalka iyo Gudida Doorashooyinka Somaliland.
Gelinkii hore ee maanta ayaa fadhiyo u socday Masuuliyiinta Xisbiyadaasi, waxa loo asteeyay in ay kulmaan Guddiyo ay kala Hogaaminayaan Guddoomiyaha Xisbiga Mucaaradka ah ee UCID Eng. Faysal Cali Waraabe iyo Madaxweyne ku xigeenka Somaliland oo metelaya Xisbiga KULMIYE.

faysal cali waraabe
Kulankan oo ay ujeedadiisu ahayd sidii la isugu soo dhaweyn lahaa Aragtida KULMIYE iyo WADDANI ee ku saabsan Arrinta Gudida Doorashooyinka oo ka qabsoomay Hargeysa ayaa ku soo dhamaaday Natiijo la’aan, markii uu Masuuliyiinta Xisbiga Kulmiye ku metalayay kulankaasi ay ka garaabi waayeen codsiyadii uu Guddoomiyaha UCID u Soo Gudbiyay.

Wararku waxa ay sheegayaan in Guddoomiyaha Xisbiga UCID Eng. Faysal Cali Waraabe uu watay aragti ah in Guddida Doorashooyinka Somaliland ee wakhtigan kala dirkooda ay ku adkaysanayaan Xisbiga Mucaaradka ah ee WADDANI si looga baaqsado in Laba Xubnood oo dheeraad ah loogu daro labada xisbi ee UCID Iyo WADDANI, sidaasna ay ku qabtaan Diiwaan gelinta Codbixiyeyaasha.

9-ka xubnood ee lagu darayo guddida doorashooyinka oo la marsiin doona goleyaasha sharci dejintu ay Hadhawna ay isu diyaariyaan Doorashooyinka Soo socda, hasayeeshee Xisbiga Kulmiye ayaan ka bixinin garawshiiyo, waxaana halkaasi ku soo xidhmay kulankaas uu Guddoomiyaha UCID Isaga Dab Qaadayay Labada Xisbi Ee Waddani iyo Kulmiye.

Xisbiga Mucaaradka ah ee WADDANI ayaa hore u codsaday in la kala diro Guddida Doorashooyinka oo ay ku soo eedeeyeen in aanay ahayn kuwo sii wadi kara doorashooyinka soo socda, ayaa waxa dhawaan la iskula qaatay in xisbiyaddu ay kulamo ka yeeshaan arrintaasi, si halka maanta la taagan yahay hore looga sii socdo.

Si kastaba ha ahaatee lama hubo in ay wadda hadaladu Axsaabta Siyaasadu ay halkaasi ka sii socon doonaan iyo in loo baahan doono guddiyo soo kala dhex gala.

Isha Ku Hay Baligubadlemedia

COMMENTS