BALIGUBADLE MEDIA
Wasiirka Hawlaha Guud oo Awaamiir Cusub Ku Soo Rogay Dhulka Danta Guud ee Dawladda
October 2, 2018 - Written by admin

Wasiirka hawlaha guud dhulka iyo guryeynta somaliland Cabdirashiid Ducaale “Qambi” ayaa shaaciyey inaanay jiri doonin dhul iyo guri dambe oo ay dawladu leedahay oo cid gaar ahi iibinaysaa.

Dhinaca kale Wasiirka hawlaha guud ayaa waxa uu sheegay in ay diwaan geliyeen guriga Madaxweyne Muuse Biixi, waxaa kale oo uu wasiirku sheegay in ay soo celinayaan suuqii inji oo qaybo ka mid ah la iibiyay.

wasiirka hawlaha guud
“Madaxweynaha Somaliland guriga uu ku jiro xataa waanu diiwaangalinay. cid aanu dhaafaynay ma jirin, cid sidata oo na tusta waraaq lagu siiyay oo madaxweynuhu ku saxeexan yahay maahane.” Ayuu yidhi Mr. qambi

Wasiir Qambi waxa qiray inay jiraan

dhul ama hanti dawladu lahayd oo la iibiyay, oo waxaanu tusaale ugu soo qaatay hangarada sariibada Inji oo gacanta dawladda ka maqan oo qaybo kamid ah la iibiyay, isla markaasina uu sheegay inay dedaal ugu jiraan sidii loogu soo celin lahaa dhulkaasi gacanta dawladda. “kuwo la iibiyay way jiraan.

Kuwo dad la siiyay oo dadkii la siiyay ay iibiyeen baa jira oo Berbera ayaa ka mid ah, Hargeysana way jiraan oo waa bakhaarada suuqa Inji iyo ADC isugu jira, qaarkood waa la iibshay oo gacanta dawladda waa ka baxeen. Ayuu yidhi wasiir Qambi, waxaanu intaasi ku daray “laakiin wixii kale ee hadhay ama kiro haloogu jiro ama sifo kaleba haloo isticmaalee, imika wixii ka dambeeyay dhici mayso in guri dawladeed cid la siiyo, cid dambena meel dawladdu leedahay lagu bixinayn arrin kale oo xaga dawladda ka yimid.” Ayuu yidhi wasiir qambi.

Isha Ku Hay Baligubadlemedia

COMMENTS