BALIGUBADLE MEDIA
Wasaarada Waxbarashada Oo Digniin U Dirtay Siyaasiyiinta Ka Qayb Gala Xafladaha Loo Qabto Ardayda Ka Qalin Jabisa Jaamacadaha
October 17, 2018 - Written by admin

Wasiir ku xigeenka wasaarada waxbarashadda iyo Sayniska ee somaliland Cabdul Qaadir Maxamuud Sheekh Muxumed ayaa siyaasiyiinta uga digay marka ay ka soo qay galaan xafladdaha inaanay kaga hadal arimo ku saabsan siyaasadda balse ay ku koobnadaan oo kaliya arimaha waxbarashadda ee munaasibadu ku saabsan tahay.
dhagawayne
Wasiir ku xigeenka ayaa sheegay inuu shacabk reer somaliland iyo waalidiintii ku soo tabcay ardayda xafladoodii qalin jabinta lagaga hadlayo arimaha siyaasadda inuu xaal ka siinayo,waxaana uu siyaasiyiinta u soo jeediyay in ay is xakameeyn marka ay joogaan goobaha waxbarashadda.

“Halkii inta ay ardayda u yimadaan ee la farxi lahayeen ee waliba ay siin lahayeen hadyado in arin siyaasadeed hadana lala soo koro oo waliba mid fool xun lagaga shekeeyo Aad ayaanu uga xun nahay,shacabka somaliland,aqoon yahanka,jaamacaddaha,ardaydii qalin jabisay waalidiintood iyo waliba shacabka reer somaliland waanu ka raali-galinaynaa wixii maalmahan saxaafadda ka socday ee bulshadu maqlaysay waanan ka xun nahay hadaanu nahay wasaaradii waxbarashadda.Sidaas ayaa u yidhi isaga oo la hadlay eryal tv

Intaas waxa uu ku daray wasiir ku xigeenka wasaarada waxbarashadda iyo sayniska isaga oo hadalkiisa siiwata waxaana uu yidhi.”waxaanan halkan ka sheegaynaa in caruurtaas cid kasta oo u timadaa ay la faraxdo waayo waa caruurteenii,waxa kaliya ee aynu u baahanahay waxa weyaan in meeshaas lagaga shekeeyo waxbarasho oo kaliya ninkii siyaasad doonayaa makarafoonkiisa magaaladda haka hadlo,lakiin inta meeshaas layimaado oo lagu yoon-yoontamo oo xisbiyadda mucaaradka iyo kan ayaanu nahay aad ayaanu uga xun nahay,ardayda iyo waliba waalidiintii ku soo tabacdayna magayaan arinkaas.

Hadalkan wasiir ku xigeenka ayaa ku soo beegmaya iyadda oo maalmihii ugu dambeeyay ay goobaha ardayda ka qalin-jabinayaa jaamacaddaha ay siyaasiyiinta mucaaradka ah iyo waliba ku muxaafidka ahi -ba isku dhaaf sanayeen hadalo cunfu iyo waliba kicin u muuqda kuwaas oo wax lagaga sheegayay hogaaminta madaxwaynaha somaliland.
Isha Ku Hay Baligubadlemedia

COMMENTS