BALIGUBADLE MEDIA
Wadamada Soomaaliya Iyo Itoobiya Oo Shirka Guud Ee Qaramada Midoobay Ku Soo Bandhigay Codsi Ay Ugu Hiilinayaan Eritrea.
October 2, 2018 - Written by admin

Wadamada Soomaaliya iyo Itoobiya ayaa shirkii guud ee qaramada midoobay ku soo bandhigay codsi ay u doonayaan in cunaqabataynta hubka laga qaado wadanka Eritrea.

farmaajo iyo aby ahmed

Wasiirka arimaha dibada soomaaliya Axmed Ciise Cawad oo golaha loo dhan yahay ee qaramada midoobay ka jeedinayey khudbadii madaxweyne Farmaajo ayaa sheegay in la soo gaadhay wakhtigii cunaqabataynta hubka laga qaadi lahaa dalka Eritrea.

Sidoo kale wasiirka arimaha dibada ee dalka Itoobiya Workneh Gebeyehu oo isaguna ka hadlay shirka loo dhan yahay ee qaramada midoobay ayaa sheegay in dalkiisu codsanayo in xidhiidhka dunida loo furo wadanka Eritrea isla markaana laga qaado cunaqabataynta hubka ee saaran.

Dhinaca kale wasiirka

arimaha dibada ee dalka Eritrea Cismaan Saalax oo khudbad ka jeedinayey shirka loo dhan yahay ee golaha amaanka ayaa sheegay in dalkiisu uu dhibaato kala kulmayo cunaqabaynt saaran oo uu ku tilmaamay mid aan sharci ahayn.

Codsiyada ay shirka guud ee qaramada midoobay ka akhriyeen wasiirada arimaha dibada ee wadamada Soomaaliya, Itoobiya iyo Eritrea ayey kaga wakiil ahaayeen hogaamiyeyaasha dalalkooda oo aan sanadkan ka xaadirin shirka guud ee qaramada midoobay.

 Isha Ku Hay Baligubadlemedia

COMMENTS