BALIGUBADLE MEDIA
Telesom oo Ka Warbixisay Sababta Cabdikariin Maxamed Iid Loogu xushay musharaxa Agaasimaha Ugu Wanaagsan Isgaadhsiinta ee Abaalmarinta Africacom 2018
October 29, 2018 - Written by editor

Shirkadda Telesom ayaa markii ugu horaysay si rasmi ah uga hadashay sababta guddoomiyaha shirkadda Telesom loogu xulay inuu u tartamo agaasimaha ugu wanaagsan shirkaddaha isgaadhsiinta iyo Tiknoolajiyadda ee abaalmarinta Africacom ee sanadka 2018, sida uu waraysi ku siiyey Agaasimaha Horumarinta Bulshada ee Shirkadda Telesom, Cabdiwahaab Maax laanta VOA.

cabdikariin maxamed iid

Maax ayaa sheegay in Cabdikariin Maxamed Iid iyo xubnaha la tartamaya ay soo xuleen Guddida Sare ee shirweynaha Africacom ee isgaadhsiinta iyo Tiknoolajiyadda, laguna soo xulay adeega Sarifka lacaga moobilka, adeegga ZAAD iyo horumarka adeeggani ku soo kordhiyey dhaqaalaha Somaliland iyo adeegyadda kale ee shirkadu daahfurtay sanaddan u dambeeyey ee ay ka mid yihiin adeegga cloud iyo adeegyaada kale ee casriga ah ee VAS.

Halkan ka daawo waraysiga Cabdiiwahaab Maax oo faahfaahsan:

Isha Ku Hay Baligubadlemedia

COMMENTS