BALIGUBADLE MEDIA
Taliye Nuux Taani oo Niskii Dambe ee Xalay Lagu Khaarajin Gaadhay Ceerigaabo + Wararkii U Dambeeyay.
October 9, 2018 - Written by admin

Magaaladda Ceergaabo ee Xarunta Gobolka Sanaag ayaa waxa lagu soo waramayaa in xalay fiidkii weerar lagu qaaday Guri uu ku degay Taliyaha Ciidamada Milatariga Somaliland Sareeye Gaas Nuux Ismaaciil Taani.

Weerarkan oo ay dad goob joog ahaa  warbaahinta u xaqiijiyay in ay uu ahaa dagaal qorsheysan oo lagu doonayay in lagu khaarajiyo taliye nuux taani oo ku sugnaa aagaas

taani

Ciidamada Booliska ayaa dhinaca kale soo qabqabtay dad ku dhaw Tobaneeyo Qof oo loo aanaynayo in ay ka danbeeyaan falkaasi.

Ma jirto cid ka hadashay falkaasi,hasayeeshee xaalada Magaaladda Ceergaabo ayaa degan, waxaase jira yool-yool ay muujinayaan dadka deegaanku.

Maamulka Gobolka Sanaag iyo  saraakiisha ciidamada Milatariga Somaliland ayaan iyaguna wax war ah ka soo saarin

xaaladda Magaaladaasi iyo weerarkii xalay lala beegsaday Guriga Taliyuhu uu ku soo degay.

Isha Ku Hay Baligubadlemedia

COMMENTS