BALIGUBADLE MEDIA
Sirdoonka Sucuudiga Oo Qirtay Dilka Wariye Jamaal Khaashogi Iyo Dareenka Dunidu Ka Bixisay
October 23, 2018 - Written by admin

Dawlada sucuudiga ayaa kooxdii fulisay dilka wariye Jamala Khaashogi ku tilmaantay qaar  fuliyey “hawlgal qaldan oo aanay amar u haysan” , hadalkaas oo ah mid dhan kale ka eegaya dhacdo dunida oo dhami ka qaylisay.

Wasiirka arimaha dibada sucuudiga Caadil Al-Jubayr, ayaa u sheegay telefishanka Fox News in “dilku” ahaa “khalad weyn” waxaanu beeniyey in dhaxal sugaha taajka boqortooyada ee awoodda badani amray dilka wariyahaasi.

Wariye Khaashoqji waxa markii ugu dambaysay isagoo nool la arkay markii uu galayey qunsuliyadda Sucuudigu ku leeyahay magaalada Istanbul ee dalka Turkiga.

Xukuumadda Sucuudigu waxay markii hore sheegtay in uu qunsuliyada ka baxay 2

kashoggi9

Oktoobar, laakiin Jimcihii ayay markii ugu horaysay qirtay in uu dhintay, waxaanay sheegtay inuu ku dhintay dagaal gacan ka hadal ah [oo isaga iyo saraakiil wax weydiinaysay dhex maray]. Hase yeeshee arintaa waxay kala kulantay dhaleecayn weyn.

Saraakiisha Turkiga ayaa  rumaysan in Khaashoqji oo ahaa nin ku cadcad dhaliisha xukuumadda Sucuudiga ay koox ka tirsan sirdoonka Sucuudigu ku dhex dishay dhismaha qunsuliyadda waxaanay sheegeen in ay hayaan caddaymo arintaa muujinaya.

Dalalka Britain, Faransiiska iyo Jarmalka ayaa Sacuudi Carabiya ugu baaqay inuu sharraxaad degdeg ah ka bixiyo geerida Jamaal Khaashoqji.

War murtiyeed ay si wada jir ah u soo wada saareen sadexdaas dal ayaa waxay ku sheegeen arrinta ah inuu Khashoggi uu ku dhintay “dagaal ka dhacay” qunsuliyadda Sacuudiga uu ku leeyahay Istanbul ay u baahan tahay in laga keeno “caddeeymo macquul ah oo la rumeysan karo”.

Madaxweyne Trump wuxuu mar sii horreysay sheegay “inuu ku qanacsaneyn” sida arrinta loo dhigay.

Madaxweynaha Turkiga Recep Tayyip Erdogan wuxuu wacad ku maray inuu mudda gaaban uu ku soo bandhigayo caddeymaha dhabta ee dilka wariyahaasi la xidhiidha.

Madaxweyne Erdogan wuxuu intaa ku daray inuu faafaahinta ku saabsan dilka Khashoggi uu salaasada baarlamaanka la hor iman doono.

Dibadbax lagu qabtay Istanbul mar uu ka hadlayna wuxuu sheegay “waxaan raadineynaa ee iisu keen a keenay waa caddaalad taa ayaana keeneysa inaan runta la qariyey oo dhan aan dibadda soo dhigno.”

Talaadadi madaxweyne Trump wuxuu sheegay “aniga ahaan kuma qanacsani ilaa su’aalahayga aan jawaab u helo.”

Wuxuuna Mareykanku sheegay iney suuragal tahay inuu Sacuudigu wajaho Cunaqabateyn, heshiisyada hubka uu la galayna uu hakinayo “Inkasta oo heshiiska hub kala iibsiga ay aad noo saameyneyso sida ay iyaga u saameyneyso si ka daran.”

Wasiirka maaliyadda Mareykanka Steven Mnuchin wuxuu Axaddi sheegay, in la fisho cunaqabateyn weliba “xilligiisa ka soo degdega.”

Wasiirka arrimaha dibadda Kanada Chrystia Freeland waxay sheegtay faahfaahinta Sacuudiga ay ka bixisay dilka Khashooggi ay u baahan tahay caddeymo la qaadan karo iney u keenaan.”

Raisal wasaaraha Australia Scott Morrison wuxuu isna sheegay “Hadalka Sacuudiga inuusan ahayn mid miisaaman, oo keligii istaagi karo.”

Hay’adda Amnesty waxay faahfaahinta ku tilmaantay marin habaabin, “dilka naxdinta leh waxa loo sababeeyey.”

Wargeyska Washington Post, oo uu Khashoggi maqaallo badan uu ku soo qori jiray waxay sheegtay inuu Boqortooyada sacuudigu “Hadal laga xishooda uu ka soo yeeray iyada oo weliba beenteedi hore been kale sii dul dhigtay.”

Source:-BBCsomali

COMMENTS